Weftiga Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland oo la kulmay culimada madaxda ka ah Jaamacadda Al-azhar ee Qaahira, Masar

Masar – (warsoor) – Wefdigii u hogaaminaayay Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL Dr. Sacad Ali Shire ayaa la kulmay  Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda  Al-azhar Sh. Dr. Abas Shomaan,  Magaalada Qaahira.

Xarunta Jamacadda Al-Azhar  ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay wasiirka iyo Saraakiishii ku weheliyay weftigiisa safarkan shaqo.

AZHAR SHAREEF

Wasiirka Arrimaha Debadda JSL Dr. Sacad Cali Shire wuxuu ugu horayn   uga mahad celiyay Sheekha soo dhawaynta wanaagsan ee uu u fidiyay weftiga, waxanu  si qoto dheer uga hadlay xidhiidh taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Al-azhar. Wasiirku wuxu u sheegay in Al-azhar ay gacanta ku hayn jirtay iskuulka Burco ee Jamaal Cabdi Nasir isla markaana ay Somaliland ka codsanayso  Al-azhar in ay dib u soo celiso xidhiidhkii ay la lahayd  Somaliland ee xagga waxbarashada Diinta iyo inay   deeqo waxbarasho u fidiso  Somaliland.

Sh. Dr. Abbas Shomaan ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay dalabka Wasiirka, waxanu hoosta ka xarriiqay  in Al-azhar ay diyaar u tahay inay ka taageeraan Somaliland Dugsigaas Burco ee Jamaal Cabdinaasir gaar ahaan xagga manhajka Al-azhar, macalimiinta iyo maamulka dugsiga intaba.

Waxa kaloo Sh. Dr. Abas Shomaan u ballanqaaday Somaliland in Al-azhar ay tababaro u fidin doonto imaamyada masaajidda Somaliland, isla markaana ay usoo diraan Somaliland culimo takhasus ku ah xagga dacwadda diiniga ah  oo muxaadarooyin ka jeediya masaajiidda Somaliland.

Sidoo kale, waxa kulankaas lagaga wada hadlay in Al-azhar ay usoo dirto Somaliland Khubaro Culimo ah oo qiimeyn ku sameeya  Imaamyada masaajiidda iyo in Al-azhar  ka taageerto Somaliland xagga talo bixinta masaaisha diiniga ah sida nidaamka bangiyada ee islaamiga ah (Islamic banking system).

Source:

SL Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.