Madaxweynaha Somaliland Iyo Ururka Sariflayaasha oo kulan yeeshay

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan la yeeshay ururka sarafilayaasha Somaliland.

Madaxweynaha ayaa ku dhiiri-galiyey sariflayaasha inay aqoontooda iyo khibraddooda uga faa’iideeyaan bulshadadood. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tilmaammey muhiimadda ay leeyihiin sarafilayaashu iyo kaalinta ay qaranka ugu jira.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in sida loo xakameeyey sarifka lacagaha ay sababteeda leeyihiin wasaaradda maaliyadda iyo guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland.

Halkan ka daawo warkan: