Golaha Guurtida Somaliland oo golaha wakiilada ku raacay jebinta sharcigii Kootada Xadhiga Internet-ka ee fiber optic

Hargeysa – (warsoor) – Golaha Guurtidda Somaliland ayaa fadhi ay maanta yeesheen kaga dooday wax ka badal lagu sameeyey xeerka Isgaadhsiinta Somaliland oo ay soo baas-gareeyeen golahaa wakiiladda Somaliland.

Fadhiga Golaha Guurtidda ee maanta (Axad) oo uu shir-guddoominaayey guddooomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan waxaa ka soo qayb-galay 74 muddane.

Golaha ayaa cod u qaaday mooshinkan wax ka badal lagu sameeyey xeerka isgaadhsiinta Somaliland oo meesha lagaga saaray kooxdadii Isgaadhsiinta ee la xidhay.

Golaha ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyey waxaan ogolaaday wax ka badalkaasi 73 muddane, guddoomiyuhuna muu codeyn, sidaasina waxaa ku ansaxay Mooshinkii Wax-ka-badalka Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland.