Hiiraan – (warsoor) – Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdilaahi Cosoble, ayaa maanta magacaabay xubnihiisa Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 52-xubnood.
Madaxweyne Cali Cabdilaahi Cosoble ayaa wuxuu magacaabay 23 Wasiir, 23 Wasiiro Ku Xigeeno iyo 6 Wasiiru Dowlayaal ah.
Agaasimaha Madaxtooyada Hirshabelle, Cabdiqaadir Cabdulle Xooshow, ayaa Saxaafadda u akhriyay magacyada liis ay ku qoran yihiin Golaha Wasiirada, ee Madaxweynaha Hirshabelle uu magacabay.
This post is also available in:
Somali