Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo la kulmay safiirka cusub ee UK

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Cusub ee dalka Ingiirska Amb David Concar, iyaga oo kawada hadlay qaban-qaabada shir heer sare ah oo ku saabsan horrumarka iyo amniga Soomaaliya oo sannadkan lagu qaban doono magaalada London.

Mudane Carteh ayaa Safiirka kala hadlay wax yaabaha looga hadli doona shirka oo ay martigelinayso dawladda UK lana filayo in ay ka soo qayb galaan dawlado badan iyo hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobey.

“Shirka HLPF waa mid muhiimad u leh dalkeenna oo ay tahay in lagu lafaguro sidii Soomaaliya looga caawin lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo abaaraha ku habsaday dalka”.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa safiirka uga mahadceliyay martigelinta ay dawaldiisa martigelin doonto shirkan, isaga oo ka codsaday in xiriirka laba dal kor loo sii qaado.

“Dawladda Britain waxa aan uga mahadcelinayaa martigelinta shirkan iyo garab istaaga dawladda iyo shacbiga Soomaaliyeed oo inagu dhiiragelinaysa in aynu sii xoojino xiriirka inaga la dhaxeeya”.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa sheegay in shirka ay si wada jir ah u gudoomin doonaan Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey, Madaxweynaha Soomaaliya, iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska oo la filayo in ay ka soo baxaan heshiis iskaashi oo dhex mara Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kobcinta dhaqaalaha, dib u ahabeynta amniga, wax ka qabashada abaaraha, iyo sidii dalkeenna looga cafin lahaa deymaha.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.