Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Xaafadda Cusub Ee RUGSAN Ee Laga Hirgeliyey Caasimadda Hargeysa

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray xaafad cusub oo dhismeyaasheedu casri yihiin oo ay shirkadda Telesom ka hirgelisay deegaanka masalaha ee caasimadda Hargeysa oo loo bixiyey RUGSAN.

Munaasibadda xadhigga lagaga jaray guryaha cusub ee xaafadda Rugsan oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda shirkadda Telesom ee dhismayaasha hirgelisay, siyaasiyiin, ganacsato iyo haldoor kale, ayaa lagu bogaadiyey maalgelinta ballaadhan ee ay shirkaddu ku samaysay dalka iyo kaalinta ay ka qaadatay kor u qaadidda bilicda dhismeyaasha ku yaalla gudaha caasimadda Hargeysa.

Madax kala duwan oo ka socotay waaxaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Telesom Group oo munaasibadda ka hadashay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen dhismayaasha cusub ee xaafadda Rugsan, waxana ay tilmaameen inay shirkad ahaan dedaal badan geliyeen sidii ay caasimadda Hargeysa uga hirgelin lahaayeen dhismeyaal casri ah oo la jaanqaada kuwa caalamka laga dhiso, soona jiidan kara qurbejoogta dalka u dhalatay ee danaynaya guryo bilic leh.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, Mudane Mustafe Cali Bile, ayaa shirkadda Telesom ugaga mahadnaqay maalgelinta ballaadhan ee xaafaddan ka samaysay, waxana uu kula dardaarmay inay dedaalkooda dhinaca maalgelinta sii laban laabaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna munaasibadda xadhig-ka-jaridda ah ka hadlay, ayaa ugu horrayn bogaadiyey tallaabada ay shirkadda Telesom Group ku maalgashanayso dalka, isaga oo usoo jeediyey inay qorshahooda ku darsadaan sidii loo dhisi lahaa dhismeyaal jaban oo ay dadka danyarta ahi degaan, waxana uu yidhi,“Waan hambalyeynayaa Shirkadda, qolada guryaha ka iibsatay, Meesha wacan ee ay ka dhiseen iyo qaabka casriga ah ee ay u dhiseenba, waxana aan ku dhiirrin lahaa shirkadaha inay guryihii danyartana dhisaan.”

Madaxweynuhu waxa uu usoo jeediyey ganacsatada dalka inay u hoggaansamaan xeerarka dalka ee la xidhiidha in fursadaha ganacsi ay muwaadiniintu u sinnaadaan oo aan loo awood sheegan ganacsatada iyo muwaadiniinta soo koraya ee dabaqadda hoose ah.

Xaafadda Rugsan ee uu maanta madaxweynuhu xadhigga ka jaray, ayaa ka kooban guryo dabaqyo ah oo ay shirkada Telesom hirgelisay, kuwaas oo ganacsi ahaan loogu talo galay, kana duwan dhammaanba qaab-dhismeedyada kale ee dalka ka socda.

Wa-bilaahi tawfiiq