Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo Gacanta Kusoo Dhigay Edeysane Dable

HARGEYSA – (WARSOOR) – Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay Edeysane Dable C/raxmaan ibraahin Aadan ina Saynab Maxamed 21jir oo ku eedaysan inuu xalay Abaarro 8:20 habeenimo Xaafadda Baddacas ku dilay Marxuum-Mustafe ibraahin Aadan ina Koos Aadan 33 jira, Ciidanka Booliska ayaa hawlgal iyo dedaal ay sameeyeen saaka subaxnimadii gacanta kusoo dhigay eedeysanahan , waxaana lagu soo qabtay Deegaanka Aw-barkhadle ee bariga Magaalada Hargaysa isagoo hubkiisa wata markii Ciidanka Boolisku hareeriyeenna is dhiibay , waxaanu hadda ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska , iyadoo si degdeg u horgeyn doonno Sharciga.

Dhanka kale waxa Ciidanka Boolisku gacanta kusoo dhigeen Eedaysane Maxamed Baashe Muuse ina Safiya Xasan 25jir oo kamid ahaa xubnihii la socday oo ku eedaysan ina gacan siiyeen Eedaysanahan dilka gaystya , waxaana sidoo kale Ciidanka Boolisku ku raad-joogaan laba eedaysane oo baxsad ku maqan oo aan wali la aqoonsan.

Taliska Ciidanka Boolisku waxuu tacsi u dirayaa dhammaan ehelkii , qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum Mustafe Ibraahim Aadan.

Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba lasoo wadaagaan, waxa uuna ka codsanayaa in ay kor usii qaadaan lashaqeynta Ciidanka Booliska.

Xafiiska Warbaahinta

Ciidanka Booliska JSL

Call Number 999