Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Safar Shaqo Ugu Baxay Gobolada Bariga

Caynaba – (warsoor) – Wefti balaadhan oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu hoggaaminaayo ayaa subaxnimadii hore ee maanta safar shaqo ugu kicitimay gobolada bariga Somaliland, qaarka mid ah.

Socdaalka weftiga ayaa ahaa mid yoolkiisa koowaad ahaa gobolka saraar gaar ahaan magaalo madaxdiisa Caynaba, oo ay ku sugan yihiin wakhtigan.

Hase ahaatee intii weftiga madaxweynuhu jidka ku sii jiray waxa si baaxad leh ugu soo dhaweeyey tuullooyinka, degmooyinka iyo gobolada Saaxil, Togdheer iyo Saraar, bulsho tiro badan oo madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo dhaweeyey sawaxan gacaltooyo oo ay ku dheehan tahay wadaniyad iyo boholyow madaxtinimo, iyagoo lulaayey caleemo qoyan iyo calanka Somaliland.

DSC_0003

Madaxweynuhu markii uu gaadhay magaalada caynaba waxa duleedka magaalada kaga horyimid maamulka heer gobol iyo heer degmo oo ay wehelinayaa boqolaal dadweyne ah iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada Somaliland oo iyagu ku sugnaa gobolka, ka dibna waxa uu madaxweynuhu socod lug ah ku maray wadada halbowlaha ah ee dhex marta magaalada caynaba isagoo salaan gacan taag ah u fidiyey dadweyne tiro badan oo ku sugnaa wadada hareeraheeda, una soo baxay soo dhawaynta madaxweynaha iyo weftigiisa.

DSC_0002

Safarka Madaxweynaha ayaa qaadan doona dhawr maalmood, isagoo madaxweynuhu u kuurgelaya xaalada guud ee dadka ku dhaqan deegaamadaasi, lana filaayo in madaxweynuhu maalmaha soo socda uu ku sugnaado gobolada bariga. Safarka Madaxweynaha ayaa daba socdii kala dambeeyey ee Madaxweynuhu ku soo galaabixiyey dalka, taariikh ma guurto ahna ka dhigay socdaalada ka war haynta shacbigii u doortay hoggaanka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Safar Shaqo Ugu Baxay Gobolada Bariga

Caynaba – (warsoor) – Wefti balaadhan oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu hoggaaminaayo ayaa subaxnimadii hore ee maanta safar shaqo ugu kicitimay gobolada bariga Somaliland. Socdaalka weftiga ayaa ahaa mid yoolkiisa koowaad ahaa gobolka saraar gaar ahaan magaalo madaxdiisa Caynaba, oo ay ku sugan yihiin wakhtigan.