Madaxwaynaha Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa Goor dhow bilaaban doona Munaasabadda Caleemasaarka Madaxwaynaha J.F.S Md: Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana Xafladdaan ka soo qaybgalaya wufuud ka kala socota wadammo kala duwan.

Wufuudda la filayo in ay ka soo qaybgalaan waxaa ka mid ah wadamada Turkiga, Sacuudiga,Jabuuti,Ethopia, Suudaan, Ugandha, Kenya Burundi, Kuwait iyo wadamo kale.

Wararka aanu ka helayno garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegay in goor dhow ka soo dagay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ย  Md. Ismaaciil Cumar Geelle waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxwaynaha Soomaaliya MUdane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

wixii war ah ee ku soo kordha wufuudaasi ku soo qulqulaysa Muqdisho si ay uga qaybgalaan Xafladda Caleemasaarka Madaxwaynaha Somaaliya goordhow ayaan idiin soo gudbinaynaa.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.