Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Muqdisho lagu Caleemasaarayo

Muqdisho – (warsoor) – Guddiga qabanqaabada xafladda caleemo saarka Madaxwaynaha ayaa haatan ku howlan diyaargarowgii ugu dambeeyay ee qabashada  munaasabadda caleemo saarka madaxweyne Maxamed C/llaahi farmaajo,waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka socda soo dhoweynta madaxda ka qeybgalaya xafladdaasi.

Madax ka socota dalalka Igad,beesha caalamka iyo marti sharaf kale ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay kaga qeybgalaan xaflad lagu maamuusaayo caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi farmaajo.

 

Xafladda Caleemasaarka oo maanta ka dhici doonta Xarunta Ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisiyoone,waxaa ka qeyb galaya madax ka socota dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo qaar kamid ah ururada bulshada.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa la Adkeeyay,waxaana wadooyinka  la dhigay Ciidamo aad u badan oo isugu jira Bolis,Mileter iyo nabadsugid,iyadoo manta garoonka diyaarada laga mamnuucay duulimaadyada rayidka ah.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.