Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa iminka soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo xafladda lagu maamuusayo caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa ka mid ah wafuudda lagu casuumay inay ka soo qeyb galaan xafladda lagu caleemo saarayo Madaxweyne Farmaajo, waxaana iminka garoonka ka socda soo dhaweynta wafuudda heerka caalami ee ka soo qeyb galaysa xafladda lagu maamuusayo caleemo saarka Madaxweynaha.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.