Madaxda ugu sarreysa dalka oo ka qeyb gashay janaasada Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee JFS Shariif Sheekh Axmed

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxda ugu sarreysa dalka oo ka qeyb gashay janaasada Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee JFS Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay meydka Alle ha u naxariistee Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq oo ahayd Hooyada dhashay Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Salaadda Janaasada marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq oo lagula tukaday Garoonka Caalimiga ee Aadan Cadde ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Wasiiro, Xildhibaanno ka tarisan labada Aqal ee BFS iyo madax kale.

Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq oo ahayd Hooyada dhashay Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed ayaa 1 September 2022-ka ku geeriyootay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa saaka laga soo dajiyay garoonka Aadan Cadde.

Geerida ku timid Hooyo Xasno Cabdulle Isaaq ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Madaxwynaha Soomaaliya, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada, Ra’iisul Wasaarayaal soo maray dalka iyo qaar kale oo ka mid ah saaxiibada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Madaxda ayaa Alle uga baryay Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq in uu Jannadiisa ka waraabiyo, Samir iyo immann uu ka siiyo ehalkii iyo qaraabadii ay ka baxday.