Madaxweynaha Turkiga iyo Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo khadka Telefone ka kaga wada hadlay Xiriirka labada Dal

TURKIGA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Turkiga iyo Ra’iisul Wasaaraha UK ee xilka ka degaya Boris Johnson oo khadka telefoonka kaga wada hadlay xiriirka iyo Arrimaha gobolka.

Erdogan waxa uu sheegay in uu “wadahadal dhow” la sameeyay Johnson intii uu xilka hayay, uuna horumariyay xiriirka Ankara iyo London oo ku dhisan ixtiraam iyo isfaham, Agaasinka Isgaarsiinta Turkiga ayaa sidaas ku sheegay bayaan uu soi saaray.

Ra’iisul wasaare Johnson, ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay Erdogan “hoggaanka caalamiga ah ee lagama maarmaanka ah” ee Turkiga, oo ugu dambeeyay gacan ka geysashada soo afjarida xayiraadda hadhuudhka ee Ruushka iyo Ukraine, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Downing Street.

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la sii wado taageerada Ukraine, oo ay ku jirto in la sii wado cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Ruushka.

Johnson iyo Erdogan ayaa midba midka kale u rajeeyay wanaag mustaqbalka, waxayna ku heshiiyeen in xiriirka UK iyo Turkiga uu sii socdo inuu sii xoogeysto.