Itoobiya oo markii ugu horeysay dalkeeda u oggolaanayso bangiyada caalamiga iney ka howlgalaan

Itoobiya – (WARSOOR) – Golaha wasiirrada ee xukuumadda Itoobiya, ayaa meel mariyey siyaasad qabyo ah, oo uu soo jeediyay Bangiga Dhexe, kaasoo u oggolaanaya in qeybta maaliyadda loo furo Bangiyada Shisheeye.

Tani ayaa waxay muujinaysaa isbedel weyn oo ku yimid hannaanka dhaqaalaha ee dalkani dhaca Geeska Afrika.

Wuxuu albaabada u furey shirkadaha shisheeye ee caalamiga ah, kuwaasoo ay ka xirnaayeen ka qeyb qaadashada hannaanka dhaqaalaha dalkani muddo dheer.

Talaabadan ayaa daba socotay furitaankii suuqa isgaarsiinta.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed Sabtidii, ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay lagama maarmaan tahay, si loo horumariyo isdhexgalka dhaqaalaha Itoobiya ee suuqa caalamiga ah.

Sidoo kale, tallaabadani waxey ka qeyb qaadan doontaa kordhinta tartanka, iyo hufnaanta waaxda maaliyadda ee dalka Itoobiya.