Madaxda Kenya iyo Itoobiya oo heshiis ku saxiixday Nairobi

NAIROBI — (WARSOOR) – Dowladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis dhigaya sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan, gaar ahaanna, ganacsiga, isku socodka dadka iyo xoojinta nabad galyada qaaradda iyo guud ahaan midda gobolka.

Heshiiska ayaa imaanaya xilli maanta uu magaalada Nairobi soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, kaasi oo ka qaybgali doona shirka 6-aad ee golaha deegaanka ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada Nairobi.