Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Oo kulan la Qaatay Ha’adda Cuntada Aduunka Ee WFP

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Eng Cali Cumar Maxamed ( Eng Cali xoorxoor) Ayaa maanta kulan la qaatay Ha’adda Cuntada Aduunka Ee WFP.

Kulanka wasiirka oo daarana arrimaha la xidhiidha Daryeelka Bulshada oo ay wasaaradu wado qaybna ay ka tahay hay,adda Cunada aduunka ee WFP, ayey wasaaradda ku amaantay sida wacan ee ay u wado hawlaha la xidhiidha dhanka daryeelka bulshadda.

Dhinaca kale wasiirka iyo madaxda hay,adda WFP ayaa isla eegay kormeer iyo qiimay ay wasaaradu ku samaynayso guud ahaanba mashruuca daryeelka bulshada oo ay Wasaaraddu hogaaminayso, waxaana dhankooda soo dhaweeyey madaxda hay,adda WFP, kormeerka iyo qiimaynta ay wasaaradu samaynayso.