Madaxa Wagner oo la shaaciyey inuu weli ku sugan yahay Ruushka

MINSK —  (WARSOOR) – Madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin waxa uu weli ku sugan yahay Ruushka, mana jiro dagaal-yahan ka tirsan kooxda oo saldhigtay Belarus, waxaa sidaas maanta sheegay madaxweynaha dalkaas, taasi oo shaki gelineysa heshiika Kremlin-ka ee lagu soo geba-gebeeyey gadoodkii.

“Marka ay noqoto Prigozhin, waxa uu ku sugan yahay Saint Petersburg… ma joogo Belarus,” ayuu madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenko u sheegay wariyeyaal ka socday warbaahinta dibedda.

Isaga oo ka hadlayey xarunta madaxtooyada ee Minsk, Lukashenko waxa uu sheegay inuu “si hubanti ah” u ogyahay in Prigozhin uu yahay nin xor ah, isaga oo intaas ku daray “shalay ayaan taleefonka kula hadlay.”

Lukashenko waxa uu sheegay in xubnaha Wagner aysan saldhig ka sameysan Belarus, inkasta oo uu jiro yabooh ka yimid Kremlin-ka oo ah inay sidaas sameeyaan kuwii ka qeyb-galay kacdoonkii fashilmay.

“Xilligan, go’aan lagama gaarin soo-wareegistooda ama saldhig sameysashadooda,” ayuu yiri Lukashenko.

Prigozhin ayaa billaabay kacdoon ka dhan ah hoggaanka militari ee Ruushka 23-kii June, wuxuuna ciidamo u diray Moscow, isaga oo loolankii ugu adkaa geliyey hoggaanka madaxweyne Vladimir Putin.

Qiyaastii 24 saac kadib, Kremlin-ka ayaa sheegay in xasaraddii la xaliyey kadib dhex-dhexaadin uu sameeyey Lukashenko, ayada oo lagu waday in Prigozhin uu u safro Belarus.

Wixii markaas ka dambeeyey, mas’uuliyiinta Ruushka ayaa xiray ama weeraray ganacsiyada Prigozhin.

Sawirro ay Arbacadii baahiyeen warbaahinta Ruushka ayaa muujiyey booliska oo gelaya hoyga Prigozhin, ayada oo diyaaradaha qumaatiga u kaca ay banaanka guriga fadhiyaan, 25-kii June.

Sawirrada ayaa muujiyey in booliska ay soo haleen xirmooyin dollar iyo rubles ah, dahab, hub iyo dhowr baasaboor oo uu ku qoran yahay magaca Prigozhin balse leh sawirro kala duwan.

Lukashenko ayaa sheegay “inuusan ka walaacsaneyn” inuu waddankiisa ku marti-geliyo ciidamada Wagner, wuxuuna sheegay inay hanti noqon karaan.

“Uma maleynayo in Wagner ay kici doonaan oo ay hubkooda kusoo jeedin doonaan qaranka Belarus,” ayuu yiri.

“Haddii aan dooneyno inaan cutubyadan howl-gelino, waan howl-gelin doonnaa, islamarkaana khibraddooda aad ayaa looga faa’iideysan doonnaa.”

Lukashenko waxa uu sidoo kale ka hadlay xiriirka Prigozhin iyo Putin.

“Ma ogi wax kasta oo ku saabsan xiriirka Putin iyo Prigozhin, mana doonayo inaan wax kasta ogaado,” ayuu yiri.

“Putin ayaa in badan iga og Prigozhin,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray “Ma waxaad u maleyneysa in Putin sidaas u ciil qabo oo uu isla berri tuuri doono? Maya