Ciidanka Dab-demiska Ceerigaabo oo damiyay Dab Qabsaday Guri Daar ah oo ku yaala magaalada Ceerigaabo

CEERIGAABO – (WARSOOR) – Ciidanka Dab-demiska magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa damiyay dab qabsaday guri daar ah oo ku yaala magaaladaasi.

Gurigan ayaa ka koobnaa lix qol iyo kijo, Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guriga intiisa kale,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.

Marka dabku kaco, badanaa waxaa ciidamada Boolisku yimaadaan si degdega iyagoo suga amaanka goobta.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in wakhtigan xagaaga ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.