Bayer Leverkusen oo heshiis shan sano ah la saxiixatay khadka dhexe ee Arsenal Granit Xhaka

Kooxda Bayer Leverkusen ayaa heshiis shan sano ah lasoo saxiixatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka Switzerland iyo kooxda Arsenal Granit Xhaka, sida ay sheegtay kooxda ka dhigsan horyaalka Bundesliga.

Lagama bixin faah-faahin dheeraad ah ee dhinaca dhaqaalaha ku baxay beeca ciyaaryahankan, laakiin warbaahinta Ingiriiska ayaa qortay in kooxda Jarmalku ay 25 milyan oo Yuuros ($27.19 milyan) ku bixisay 30 jirkan.

Xhaka ayaa ku biiray kooxda Leverkusen ee Xabi Alonso kadib markii uu toddobo xilli ku qaatay Arsenal oo uu u saftay 297 kulan, isagoo u dhaliyay 23 gool iyo 29 caawin ah.

Xhaka ayaa ku laaban doona horyaalka Jarmalka isagoo afar sano hore ula soo qaatay Borussia Moenchengladbach kahor inta uusan ku biirin Arsenal 2016.