Maayarka Cusub Ee Caasimada Hargeysa OO Xilkii Kala Wareegay Maayarkii Hore Caasimada

HARGEYSA – (WARSOOR) – Munaasibada xil warejinta maayarka cusub ee caasimada Hargeysa oo lagu qabtay xaruntad dawlada hoose ee Hargeysa waxa ka joog joog ka ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, xubno ka mida qaybaha kala duwan ee bulshada iyo shaqaalaha dawlada hoose ee Hargeysa.

Maayarkii hore ee caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) ayaa waxa uu ka warbixiyay waxyaabahii u qabsoomay dawlada hoose ee caasimada Hargeysa mudadii uu xilkeeda hayay, waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay qorsheyaashii wax qabad ee u yaalay in ay dawlada hoose ee Hargeysi ku talaabsato.

Maayar Cabdiraxmaan (SOLTELCO) wuxuu xila maayarnimo ku soo dhaweeyay maayarka cusub ee caasimada Hargeysa iyo ku xigeenkiisa, isagoo allan qaaday inuu la shaqayn doono.

Waxa iyana halkaas ka hadlay masuuliyiin kala duwan kuwaas oo sheegay ka hadlay muhiimadda ay leedahay dawlada hoose ee caasimada Hargeysa, maadaama oo ay tahay magaalo madaxdii dalka, loona baahan yahay in horumarinteeda si guud looga wada shaqeeyo.

Maayarka cusub ee dhawaan loo doortay caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay isagoo kaashanaaya maayar ku-xigeenkiisa iyo xubnaha kale ee golaha degaaanka degmada Hargeysa ay dadaal u gali doonaan sidii ay isbedel horumar leh ay ugu samayn lahaayeen caasimada Hargeysa, oo ah magaalada ay ku nool yihiin bulsahda ugu dabadani, waxaanuu shacabka caasimada ka codsaday inay la shaqeeyaan golaha degaanka cusub ee degmada Hargeysa.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sii sagootiyay golihii hore ee degaanka degmada Hargeysa, waxaanuu soo dhaweeyay golaha cusub ee dhawaan la doortay, isagoo u ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan.