Madaxweyne Ku-Xigeenka JSL Oo Maanta Magaalada Hargeysa Ka Furay Shirweynaha Caymiska Qaranka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Waxa shirweynahaas hadal ka jeediyay guddoomiyaha hay’adda caymiska qaranka Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo sharaxaad ka bixiyay hawlaha la xidhiidha dar-dar gelinta hawlaha hay-adaasi, waxaanu gudoomiyuhu xusay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu hay’addaas u asaasay baahiada caymiska qaranka ee dalka ka jirta, waxaanu gudoomiyuhu golaha cusub ee wakiillada u soo jeediyay inay ansixiyaan xeerkii ay hay’addaasi ku hawl gali lahayd, kaas oo kaalin ka qaadan doona hir gelinta shaqada hay’ddaasi qaranka u hayso.

Waxa inaha shirweynahaas hadalo jeediyay wasiirka wasaaraadda maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka wasaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo soo dhaweeeyay shirweynahaas ku saabsan horumarinta caymiska qaranka, iyagoo xusay in hay’addaasi tahay mid qaranku u baahnaa.

Ugu dambayn madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa masuuliyiinta hay’adda caymiska qaranka ku bogaadiyay shirweynahaas ay soo abaabuleen, waxaanuu xusay in masuuliyiinta sar-sare ee qaranku ay diyaar u yihiin in gacan ka gaystaan sidii hay’adda caymiska qaranku u noqon lahayd mid wax wax ka tarta arrimaha loo asaasay.