Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Oo Furay Kulan Ku Saabsan Kor U Qaadida Dekhliga Dawladaha Hoose Ee Degmooyinka Hoos Yimaada Gobolkaas

Hargeysa (SOLNA) – Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Gabiley Cismaan Bade kulankaas oo ka qaboomay xarunta maamulka gobolka Gabiley waxa joog joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka gobolkaas Cali Cabdilaahi (Cali Case) iyo maamulka degmooyinkaas kulanku u furay iyo xogyeyaasha dawladaha hoose ee degmooyinkaas.

Qaar ka mida xubnihii kulankaas ka qayb qaadanaayay ayaa soo dhaweeyay kulankaas ku saabsan kor u qaadida dakhliga ee uu u furay maamulka gobolka Gabiley, waxaanay ballan qaadeen in mudada uu socdo ay ka faa’iidaysan doonaan casharada ay ku qaadan doonaan.

Ugu dambayn guddoomiyaha gobolka Gabiley Cabdikariina Aadan Xaaji Diiriye ayaa sheegay ujeedada kulanakaasi tahay sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliuga ay soo xareeyaan degmooyinkaas, maadaama dhaqaaluhu muhiim u yahay horumarinta adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin bulshada ku nool degmooyinkaas, waxaanuu u soo jeediyay in ay shaqooyinkooda ku dabaqaan sharada ay kulankaas ka korodhsadaan.