Maanso: MUDDUCI

Maanso – (warsoor) – Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ayaa Curiyey Maanso uu kaga hadlayo xaaladda dalka guud.

Halkan waxaad ka dhagaysan kartaa Maansadan oo cod ah.

Goortii cid kuu maqan

Ama aad u tahay magan

Miyir quustay maan arag

Iyo mooyi igu yidhi

Madhxiyaay raggaad tidhi

Madhiyaay inuu yidhi

Goortaan ka marag kacay

Xildhibaan mitidi laa

Danta guud matali laa

Mawlaha ka biqi laa

Maatada u nixi laa

Maalintuu u baahnaa

Milicdey tubnaayeen

Maankiisu garan laa

Goortuu muraadsadey

Marinkiisi baal maray

U maleegtay ganacsade

Milgihiisa iibiya

Adna uu ku maax tiray

Maansada walaaca ah

Maqaleey warlaayda ah

Tixdan muusanawga ah

Anna mari xil baa I leh

Adna maqal dan baa ku leh.

Ummadyahay muqlaysani

Ummadyahay masiirkiyo

Arrinkeeda mooggani

Ummadyahay masayrkiyo

Murankiyo xinkeedii

Isu muuqda uu yidhi

Ummadyahay maroodiga

Sidiisii nin maagani

Mirashada ku gaadaa

Gobannimo ma magac baa?

Ma maqaar gondaalaa

Ma is mooro duug baa

Ma ma-guurtadaadii

Toban qoys u moos baa

Musuq iyo ma tuugaa

Ma hankaaga maydhoo

Hibashada miciinsaa

Ma hagaasi maankoo

Garashada maxbuus baa

Miyirkiyo damiirkiyo

Madadkiyo dareenkii

Ma ha maahsanaadaa?

Nin xalay mirtii dhexe

Makhalkaaga soo xaday

Aan maydhax kaga tegin,

Adoo muunidii hore

Gartay maalku kaagii

Inu yahay madluunoow

iyadoonay murugiyo

Kaa muuqan tabashadu

Tuuggii mahoobiyey

Caku may caskaagii

Sidii xayn u muruqiyo

Mihnadiisa ku tabcaday

Midigtaada hoos dhigo

Oo weliba muuniyo

Mahad-celin ku taartaar

Weedh lagu majeertiyo

Ammaan aan murkucanayn

Welibana u miis miis

Nin xalaasha miirtiyo

Xalay-dhalay ku maamuus

Durba inu macsuum yahay

Waa kaa is moodee

Adigoo mulkiile ah

Wuxu kaa maroorsaday

Manno kuugu sheegtee

Ma nimaad markhaatiga

Madal ugu furteen baa

Loo maaro helayaa?

Mooyahaan hadhuudhkiyo

Mesegada ku tumayaa

Shaw moqorro yeeshoo

Mar kastoon milaalaba

Shaw wuu murdinayaa

Anna midho waxaan laa

Shaw waan u madhayaa!!

Inu hebel macaashiyo

Inu hebel mashruuc helo

Xeerar loo malmalay iyo

Dawlad lagu masruufayo

Qoysas aan marganinoo

Malafsiga xalaashaday

Mashaqiyo dhib weynaa

Macal-weynta boobkiyo

Dhaca mooday xoogsiga

Mudanaha dhimbiishiyo

Booliga ku mayracay

Xaaskiyo min-weyntii

Ninka mahayo-mooggii

Ubadkiisii maydhnaa

Ku masruufay xaaraan.

Anigaa markhaatiya

Mareegaale tuugiyo

Mannaxaan inuu yahay.

Wax la yidhi qof muuqdiyo

Middi saawiroo taal

Midna lagama quustee,

Caku mudanahaygii

Mooryaantu dhaantoow

Dhiig miirtihiiyoow

Kii loo mashxaradee

Isna nagu maqnaayee

Quus nagu macsuumoow

Milladii islaamkiyo

Dhaartaad marteeniyo

Xaqa muuminiintiyo

Ducadii madluunkee

Toos loo maqlaayiyo

Mawdkiyo xabaashiyo

Qabrigii madoobaa

Ee maro cad mooyee

Maal lala tegayniyo

Muduciga qiyaamaha

Maxkamada ilaahay

Kugu maadsanaayiyo

Xaaraanta maandhow

Cishadaa macaanayd

Muruqaad ku xoogtiyo

Midigtaad ku taabtiyo

Dhuuntaa ad marisee

Kugu marag furaysiyo

Mustafaha warkiisii

Moogaha illaawoow.

Magac dhawristii iyo

Dhaqankii masuulnimo

Xilkaskiyo marwaadkii

Maydhaamihiiyoow

Maahmaah horaa tidhi

“Nimay soori malagtiyo

Nimay seefi mirataa

Maso weeyi weligood”

Muurmuursan weydee

Haddii ay mur kugu tahay

Mid kalaa waxay tidhi

“Hunguriga la miriyaa

Wax ka weyni maaf noqoy”

Haddaad taa ka murantoo

I tidhaahdo maan maqal

Mid kaloo la midaboo

Macnahaa siddaa tidhi

“Halkay maalin dacawadu

Macda neefka ku cuntaa

Macaluushu dhigataa”

Haddaad malabka boolliga

Muudsoo is qari tidhi

Murti-yahan horaa yidhi

“Macal cune ma dhuuntee

Kollay muuqan doonee

Adigoo cir maraqiyo

Candha saabka soo muday

Malkadiyo kobtaad tiil

Inta uu ku muruxsaday

Miish-miishka kugu saday

oo meesinkaagii

Maqal daaqsinkeedkiyo

Meel ay ka muuqdaan

Barqo-dhereg madiixeen

Oo weliba moodiyo

Martabiyo salaantuna

Dheertahay maddiiloow

Inta laga mishiiqsado

Adna aad u muhatee

Askarteenana milicdiyo

Mirta dhexe ku heeggana

Dhaxan aan maryuhu celin

Bil dhan waxay masruuftaan

Maalin qayl wasiir iyo

Waxan maati korinayn.

Adna moodhadh qaaliya

Dawga boodhka miidhana

Waadigan ku marayee

Hadduu maanku kugu yidhi

Miskiin bay ku yaallaan

Misko mudane fuulaa

Maah maah kala tidhi

Malko aar fadhiyi jiray

Masallaha atoor dhigay

Madaxtooyadaydii

Murdisooy lagaa yaab

Ama waa la muuqdaa

Ama waa la maqanyee

Mus-danbeedyo badaneey

Magac iyo marwaad buu

Xil macaan ku leeyee

Manfacada ka jeceleey

Halka dollar maadhiyo

Midho iyo macaash yaal

Moolkii barmuudiyo

Haddii uu mariikh yahay

Miidaamo dhega loo

Isu sii maqiiqdaay

Hadba halis muquurtaay

Ummaddii midaysnayd

Yaa kala maroorshee

Toban moos ku kala xidhay

Taladii majiiraha

Muddo dheer ku taagnayd

Mayalkeedii yaa rogay?

Majaraha winiin iyo

Luqun dhaaftay madaxiyo

Meeraysi fool-waa

Iyo maaruq yaa baday?

Mucsur baad ka joogtaa

Miyirkiyo hanweynida

Waxad maar ku gadataa

Dahabkii malaasnaa

Dalku kaan u madhanee

Dhibta aan u mudanee

Maryo dhiigle loo furay

Kunka madina loo qalay

Loo galay mannaayaha

Ma-huraankii weeyee,

Ciyi iyo muquuniyo

Leg maqaaxi yaalliyo

Waxan lagu masuugayn

oo lagu mulkiyi karo

hadal iyo mudaahano

ama meel madaw iyo

mugdi lagu xaraashoo

mug-yar baad ka dhigateen

Waa Maxay ka miisiyo

Ku muraadsadaaydani?

Waa Maxay man dhaafsiyo

Shisheeyaha Ku maashani?

Male-gelinta waayaha

Masanuuninteedii

Waxay tidhi war moogeey

Maalmahan danteenii

Mukur baa ka taliyoo

Sida ruux la maray buu

‘‘Maya’’ ‘‘haa’’ ku ladhayaa

Marka uu margado buu

Runta sii murginayaa

Miciyuu dirsanayaa

Mixnad buu hadhsanayaa

Makri buu barkanayaa

Hadba boogo malaxliyo

Milil jira guntaasuu

Dusha sare mariidiyo

Maaleey ku dhayayaa,

Masas buu dhaqanayaa

Malmal baanu shidayaa

Hadba good is maray buu

Rajo maax ku sabayaa

Shil mirtuu ka baqayaa

Sharna wuu martiyayaa

Madallooti dhacayuu

Muska reerka dhigayaa

Cidda maasha saraysaa

Magli loo lisanayaa

Xaqa soo mutuxan buu

Kun maxaadh ku mudayaa

Hadba dhiil u madhiyuu

Muddo dhaaf ku lulayaa

Masalooyin ugub buu

Hadba moofle jarayaa

Rag masaasad jeceloo

Moroh looga talay baa

U madiidin noqotoo

Wax ku meel marsanayaa

Rag muraayad haaddaa

Gaajada ku soo maqan

Ka miliilicaayaa

Qandaraasyo miino ah

Iyo mooshin dhuuniya

Lagu yidhi miskeedshoo

Loo daa muggaabada

Mukurkiina guushii

Hadba meeris sii guur

Madihiina faalali.

Ninka weel muggiisii

Intuu buuxshay miijiyey

Weligii ma mahadshoo

Wax badsiga wax beel maag

Miyigiyo magaalada

Marka aad dhex maraysaan

Ee ay kuu mashxaradaan

Haddaad mooday maamuus

Waxay kuu maldahayaan

Macno-yare macaan jecel

Malafsade maroorsade

Mamac-qabe magaagsane

Ku muraadso derejada

Hortaa qaar na maax tiray

Oo naga macdaarsaday

Saddex magac ilaahay

inay suuqa meeraan

Oo wada madaw yiin.

Waxay maansadaydani

Mudducigi ku leedahay

Weligiinba miliqsada

Weligiin ma-guurtada

Milyan iyo kun dhaafsada

Weligiinba muudsada

Maarkaha dhimbiisha ah

Madadaalo gudhasiyo

Is moodsiiska beenta

Weligiinba mehersada

Rabbigay ma moogoo

Miil kama qarsoonee

Weligiin ku mahad-naqa

Moohaarka duufka ah

Weligiin miskiidada

Salaad reer magaaliyo

Sujuudii munaafaqa

Xusulada ku soo muda.

Mar uun bay war-moogeey

Ummadayda maahsani

Miiraami doontaa

Maalin aan fogeyn bay

Irbadaha ku mudanee

Miyirkeeda doorshiyo

Falka loo maleegiyo

Sixirada muqleeyiyo

Minka inan-gumeedka

Laga meerin doona

Maalin aan fogeyn baa

Iyadoo mudduciyoo

Muruqiyo awoodlihi

Ragga mooro-doogee

Madhshay xoolaheedii

U midoobi doontaa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.