Warbixin: Dawlada Maraykanka Oo Si Weyn Uga Walaacsan Saldhiga Milatari Ee Jabuuti Dalkeeda Ka Siisay Waddank Dalka Chinna

Hargeysa – (Warsoor) – Dawladda Maraykanka, ayaa la sheegay inay si weyn uga cadhaysan tahay Saldhiga Milatari ee ay Jabuuti dalkeeda ka siisay waddanka ay sida weyn u colka yihiin ee Chinna, waxaana wararka warbaahinta Maraykanku maalmihii u dambeeyey qaada sida weyn uga faaloonayeen una qaada dhigayeen in Maraykanka oo Saldhiga Ciidamadiisa Milatariga ee ugu weyn Geeska Afrika kulahaa Jabuuti uu ilaa hada u qaadan la yahay sababta ay Jabuuti u siisay Shiinaha oo Saldhig Milatari isagana dalkaasi laga siiyey.

Sida uu qoray Wargeyska New York Times ee Maraykanka laga leeyahay oo Wargeyska Saxansaxo Warbixintan oo dheer Nuxurkeeda ka soo dheegtay, waxa uu Joornaalkani bogiisii Maalinta Jimcaha Magaaladda New York ka soo baxay uu Ciwaan uga dhigay (Maraykanku Wuxu Si Weyn Uga Shakisan Yahay Sababta Dalka Jabuuti Uu Saldhiga Milatari U Siiyey Dalka Ay Colka Yihiin Ee Shiinnaha).

Wargeysku waxa uu warbixintiisa ku bilaabay oo marka hore uu halbeega Saaray Xidhiidhka Maraykanka iyo Chinna sida uu yahay waxaana la sheegay iska daa xidhiidhkooda oo fiicnaada ama wanaagsane inay (USA iyo Chinnese) yihiin laba dal oo colaadoodu mid caalami ah gaadhay isla markaana ay gaadhay in Shiinuhu uu Hubkiisa sida ba’an wax u gumaada ee Nukleerka wakhtigan u rakibay oo diiradiisu saaran tahay magaalo madaxda dalka Maraykanka ee (Washington) halka sidaasi si la mid ah dalka Maraykanku Quwadiisa Nukleerka ee Hubka sida ba’an wax u gumaada colaada iyo cabsida uu ka qabo Chinna darteed uu ku jeediyey magaalo madaxda dalka Shiinaha ee (Beijing) iyada oo dagaalka qabaw ee labadan dal dhexyaala uu sii xumaaday isku dhacyo Maraakiibta iyo Diyaaraddooda Dagaalku ay marar badan isku dhaceen Badda Koonfurta Shiinnaha, waxaana in kasta oo aanay labadan  dal wax Xudduudo ah wadaagin ay marar badan isku weeraraan dhinaca Teknoolojiyadda Satalite-ka iyaga oo Culuunta Casriga ah ee Kombuutaradda isku basaasa si dal kasta ugu kuurgalo halka uu ka kale wax marinaayo iyo waxyaabaha loo soo maleegaayo si uu iskaga difaaco.

Joornaalka New York Times oo qoraalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay in walaacaha hada uu Maraykanku ka qabo Saldhigiisa Milatari ee lagu magacaabo CAMP LEMONNIER ee uu ku leeyahay dalka Jabuuti oo hada la dul dhigay Saldhiga Cusub ee waddanka Shiinnuhu Jabuuti ka Ijaartay inay keentay welwel baaxad leh oo USA u aragtay inay Chinna halka ka basaasi karto hawlihiisa uga dhex socda Xeradiisa Milatari iyo inay sido kale ku soo waajahan tahay carqalad kale oo dagaalkii uu Maraykanku kaga jiray Bariga Afrika iyo Arabian Peninsula ee uu kooxaha Xag jirka argagixisada ah kula dagaalamaayey inay BEIJING ku soo farogeliso.

“Arintani waxay la mid tahay sidii laba Kooxood oo Kubadda ku Xilfatama inay hadana hal Garoon ku wada al-miiteenayaan, hada taasina waxay keenaysa in Kooxda kubada kula ciyaaraysa ay ka xado sida qaar ka mid ah Laacibiintaadu u dheelaan, dhinaca kale waxa iyaduna labada dhinacba u soconaysa inay Isbasasaan“Sida waxa yidhi Khabiir Gabriel Collins oo ah dublamaasi arimaha Milatariga ee Shiinnaha wax badan ka yaqaana isla markaana ah aasaasaha Xarunta falanqeynta ee China SignPost oo la hadlaayey Newyork Times

Saldhigan lagu magacaabo CAMP LEMONNIER ee Maraykanku ku leeyahay dalka DJabuuti, waxa uu Xarun u yahay 4,000 (Afar Kun uu Askari), kaas ay Jabuuti ka Kireysteen ka dib Weeraradii Argagixisadu Magaalooyinka Maraykanka ku duqaysay Sept. 11, 2001, waxaana sido kale Askarta Maraykanka Saldhiga Jabuuti u jooga ka mid ah Kuwo Hawlgalo Sirdoonimo iyo kuwo wax ku tila Diyaaraddaha aan duuliyaha laheyn ee hawlgalada ka geysta Bariga Dhexe iyo Dalalka Geeska Afrika iyada oo Saldhigan Ciidanka Badda ee Maraykanku ay sido kale isticimaalaan Garoonka Diyaaraddaha Caalamiga ah ee dalka Jabuuti, Madaarka  Jabuuti waana ka ay sida joogtada ah ugu Isticimaalka badan yihiin ciidanka Badda ee Maraykanku ee ku xidha Arika, waxaana shakiga kale ee Washington sida weyn u sii taabtay uu yahay Lacagta Bilyanaadka Dollar ee waddanka Shiinnuhu uu amaahiyo Dalka Jabuuti ee uu deyn ahaanta u siiyo arintaas oo iyaduna ay hubaal tahay in aanay Beijing) sabab la’aan aduunka inta leeg dalkan aadka u yar aanay iyada  oo u jeedooyin Dublamaasiyaddeed oo culus ka laheyn.

Prof. Peter Dutton waa Khabiir bare ka ah Xarunta (strategic studies at the Naval War College in Rhode Island)  oo Joornaalka New York Times wax ka waydiisay aragtidiisa muhiimada uu Shiinaha u leeyahay Saldhiga Ciidanka Badda ee ay Dalka Jabuuti ka heshay waxaanu yidhi “Shiinaha waxay u tahay muhiimad iyo Istaraatajiyada aad u culus, waxaanay heleen wood iyo saldhig Ciidan badeed oo ay kaga hortagaan wixiii dhaqaalahooda iyo dannahooda gobolkan Geeska Afrika ay ka leeyihiin”

Ugu dambeyntii marka laga yimaado Saldhiga Ciidanka Milatariga Badda ee Shiinuhu ka Kiraystay dalka DJabuuti, arinta xiisaha leh waxay tahay in sannadihii u dambeeyey Beijing ay sii si xawli ah u sii kobcaysay isla markaana sii horumarinaysay, quwaddeeda dhanka Milatariga iyo Ciidamadda dalkooda iyada oo casriyeynta dhakhsaha ah ee ay Cidamaddooda Milatariga Baddaha ku sameynaysay China iyada oo Miisaaniyadda Ciidanka Difaacaha ee Shiinuhu u asteeyey tan iyo 2020-ka in lagu tayeeyo  ay tahay lacag dhan $233 billion, lacagtaas oo marka laysku daro Miisaaniyadda ay Ciidamadda iyo Amniga dalalkooda ku bixiyaan guud ahaan wadamadda reer Galbeedku ku  laban laabmeyso sida uu qoray Joornaalka Jane’s Defense Weekly. In kasta isla wargeysani uu tilmaamay in Maraykanku isagu ka duwan yahay dalalka reer galbeeda oo kharashaadka uu ku bixiyo Ciiddamadiisa baddu ay tahay lacag ka badan $622 billion oo lacagta Shiinuhu amniga dalkiisa ku bixiyo.

Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Abdiwali1991@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.