Maalinta Shaqaalaha; Xukuumada Siilaanyo Oo Markii Saddexaad Ku Celisay Ballan Qaadyo La Kawsaday Oo Ay Hore Ugu Fashilantay Fullintooda

Hargaysa – (warsoor) – Xukuumada madax-weyne Siilaanyo oo markii saddexaad ku celisay balan-qaadyo la kowsaday tan iyo intii ay la wareegtay talada dalka, balan qaadkan oo ahaa in xukuumada Somaliland ay dalka ka saarto dhamaanba shaqaalaha ajaanibka ah ee ka shaqeeya shaqooyinka ay qaban-karaan shaqaalaha Somaliland gaar ahaan ardayda ka qalin jabisa jaamacadaha dalka si loo yareeyo shaqa la’aanta loolana dagaalamo tahriibta.

wariye-siciid-xuseenHadaba intii ay talada la wareegtay xukuumada madax-weyne siillaanyo waxa ballan qaadyadaasi ay ka billaabmeen wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo ay ahayd wasiirkii ugu horeeyey Ilhaan Maxamed Jaamac ayaa ahayd wasiirkii ugu horeeyey ee ku dhawaaqa in ay dalka iskaga baxaan dhamaanba shaqaalaha ajaanibka ah ee dalka jooga iyada oo shaqaalaha ugu badan ee dalka ay yihiin ajaanib ama ay u shaqeeyaan hay’addaha caalamiga ah oo Nairobi ka keena shaqaale ajaanib ah iyaga oo shaqooyinkaasi ay qaban karaan ardayda dhamaysatay jaamacadaha dalka.

Waxa kale oo ilhaan xilkaasi uga dambeeyey wasiir garaad oo isaguna ballanqaaday ballan-qaadkii oo taagana geeriyooday.

Waxa ku xigay wasiir Cali Sandule oo isaguna ah wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada.

Waxa maanta oo ku beegan Maalinta shaqaalaha aduunka ay ku soo beegmaysaa iyada oo ay baahday cadaalad darada dhinaca fursadaha shaqo.

Wasiirul dawlaha wasaarada arrimaha bulshada Cabdi Daahir Camuud oo maanta BBc-da u waramay waxa uu noqonayaa masuulkii saddexaad ee ku dhawaaqa in ay fulinayaan ballan-qaadkaasi horeba ay ugu fashilmeen Cabdi Daahir Camuud waxa hadaladiisii ka mid ahaa, “Waxa la ogsoon yahay in dalka shaqadu iska yar tahay waxaanu ka hawl galnay sidii loo joojin lahaa shaqaalaha ajaanibka ah ee hay’aduhu ka soo ka xaysanayaan ee ajaanibka ah sida Nairobi, waxa aan usoo jeedinaynaa dhamaanba hay’addaha in ay shaqooyinka siiyaan muwaadiniinta oo aan shaqada ay qaban karayaan muwaadiniintu, loo dirsan ajaanib marka laga reebo wixii technical ah, waayo dadka reer somaliland ee jaamacaadaheeda ka baxay garba duubnaan maayaan”.

Wariye Siciid Xuseen

Siciid4@yahoo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.