MA DHADHAWA

Dagaalka waxa la yidhi waxa ugu hor dhintaa waa runta. Warbaahinta dawladdu waxay tirinaysaa guulo faro badan oo aanay jirin cid madaxbanaan oo xaqiijisay. Waxa laga yaabaa in ay daacaydo u badan yihiin waayo hadii guulahaas oo dhami ay run yihiin maalmaha soo socda waabay soo afjari kartaa dagaalka marka ay ciidamada TPLF ay ku qasbaan in ay is wada dhiibaan gacantana ku soo dhigto madaxda gobolka Tigray si maxkamad loo hor geeyo.

Aniga oo horena uga mid ahaan jiray saraakiishii SNM hadana si gaar ah ciyaarta dusha ugala socdaa marka aan si madaxbanaan u eego xaaladda dagaalka runtu way ka fog tahay sida ay warbaahinta dawladdu sheegayso weliba marka la og yahay dabeecadda runta ah ee dagaalka ( the true nature of war).

TPLF markii ay soo deysay ciidamadii dawladdu in ay soo wada galaan gudaha Tigray waxay ciidamo xoogan u dhaqaajisay dhinaca koonfureed oo ah jihadii markii hore ay ka soo galeen ciidamadii dawladdu sabab la’aanna maaha.

Ciidanka TPLF inta aanay wax weerar ah ku qaadin ciidamada Dawladda waxay marka hore ka wada jarayaan dhamaan marinada taakulaynta iyo gurmadyada ( supply and reinforcement routes), Intaa marka ay sameeyaan ciidamada dawladda ee sugan gudaha Tigray mid waliba wuxu go’doon ku noqon doonaa halkiisa oo ay ku weerari doonaan. Ciidamada dawladdu markaa wax aan ahayn is-difaac oo u furani ma jirayo.

Taakulayn ma heli karaan gurmadna ma soo gaadhi karo dibna ugama soo noqon karaan oo jid walba wuu ka xidhan yahay. Markaa waxay ciidamadu hubkooda ugu culus in ay ku garaacaan iyagoo afarta jihaba ka maraya sidii mar horeba ay ku sameeyeen ee ay ku burburiyeen ciidamada lagu qiyaasay in uu ka badnaa hal Gaas (ugu yaraan 6000 oo askari oo 2000 ka badani ay dhimasho nodeen intii kalena dhaawac, firxad, iyo wax la qabtay). Tii teedii iyo ka sii xun inay ciidamada Dawladda ee ku sugan gudaha Tigray ayaan anigu saadaalinayaay bal hadda ii qora.

Markaa labadan todobaad waxa laga yaabaa in wax badani ay kala cadaan doonaan oo ama sida warbaahinta dawladdu faafinayso ayaa run noqon dagaalkuna wuu soo afjarmi ama sida aan odorasay weji cusub oo hor leh ayuu yeelane bal aynu eegno.

Qore: Cali Yuusuf (Cali-gurey)