Warqad furan Ku: Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar

Mudane Madaxwayne ku soo dhawoow Degmada Gaashaamo waa Degmada U Bariyeysa DDS Ethiopia, Gaashaamo Waa Degmadii Nabad a Iyo Xasiloonida, Waa Degmada Ugu Deegaanka Balaadhan Guud ahaan Degmooyinka DDS, Waxaa Hoos Yimaada 137 Qabale oo mid waliba Baaxadeeda Dhul iyo Dadba leedahay.

Shacabka Degmada Gaashaamo wuxuu diyaar u yahay sidii caadada u ahayd ka shaqaynta nabad iyo xasiloonida guud Dalka, Deegaanka Iyo Degmada intaba.

Degmada waxaa caado iyo dhaqan u ah xoojinta iyo adkeynta xidhiidhka wada shaqayneed ee kala dhaxeeya Gobolka iyo Caasimada , iyo waliba Taageerida siyaasada iyo isgarab taaga mamulka DDS ee uu madaxwaynaha ka yahay Mudane #Mustafe_Cagjar .

Mudane Madaxwayne Degmada Gaashaamo Iyo deegaankeeda waxaa ka jira Baahiyihii Bani’aadanimo ee Aasaasiga ahaa. Sida:- Biyaha, Caafimaadka, waxbarashada, Korontada, Wadooyinka, Shaqaalaha, Mashaariicda Horumarineed ee ay Fuliyaan Hay’adaha Dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn intuba.

Mudane Madaxwayne Degmada Gaashaamo iyo Deegaankeeda balaadhan, waxay maanta Si wayn kaaga rajaynaysaa kaana codsanayaan in aad wax ka qabato, Arimahan soo socda, oo wixii DDS ahaan ku xidhanna aad maanta dhamayso wixii Heer Federal ahna aad ka Hawlgasho sida ugu dhakhasaha badan.

1. In Gaashaamo Hesho Gobol, maadama Gashamo tahay Degmada ugu balaadha DDS, dhuka ahaan iyo Dad ahaanba, waxay xaq u leedahay Gobolnimo iyo Degmooyin Hoos yimaada mudane madaxwayne Waxaanu kaa Rajaynaynaa in qodabkani noqdo mid aad fuliso Cid kastuu ku xidhmana aad ka soo dhamayso,

2. Wadooyinka isku xidha Gaashaamo iyo DDS, iyo Waliba Meelaha Xuduudaha ah ee innagu xidha Dawladaha jaar ka ah. (Districts, Regionals, and the Capital City Infrastructure Networks), mudane madaxwayne wadooyinku waa halka ay ka bilaabanto nolosha horumarineed ee Aadauhu, waa iskagaadhsiinta ugu wayn ee dal leeyahay, waa barbilawga koboca dhaqaale, Hadii aanay wadooyink jirin si kastoo loo dadaalo horumar muuqda lama gaadhi karo, sidaa awgeed waxaanu cod dheer kuugu soo gudbinaynaa in wadooyinka xooga la saaro gaar ahaan wadada wadnaha ah ee isku xidha Degamada Gaashaamo iyo Caasimada DDS (jigjiga)

3. Awood qaybsiga (power sharing) wada lahaansho dawladeed waxaa ugu muhimsan ama lagu macneeyaa, dawlada qaybta layidhaahdo waaxda fulinta , madaxwaynaha, kuxigeenada, iyo Golaha wasiirada, waa markay tahay Dawlad Democratic ah (The First and Deputy First Ministers), Fulintu waa cida isteerinka haysa ee fulineysa siyaasada dawlada una adeegeysa bulshada, mudane madaxwayne sida aynu ognahay Degmada gaashaamo iyo deegaankeedu waxaynu ognahay in aanay Golahaas fulinta hal wasiir oo buuxa ku lahayn, sidaa awgeed markaynu eegno awood qabisaga dawladeed way ka madhan tahay Degmada gaashaamo, mudane madaxwayne waliba qodobkani waa mid adiga gacantaada iyo qalinkaaga ku jira ku xidhan oo aan federal iyo cid kale toona kaaga xidhnayn, waxaanu rajaynayna maanta in aad qalinka ku duugi doonto cid metesha Degmada oo miiska korfeynta kula fadhida (wasiir)

4. Biyaha, mudane madaxwayne biyuhu waa nolosha kowaad ee aadamaha, waanu ognahay in hawlgal balaadhan oo biyaha degmada lagu wada gaadhsiinayaa ay socoto hayeeshee kaabis badan ayaa ku jira waayo mudada ay socotay waa muddo gaadhaysa 3 sanno ilaa hadana lama soo gaadhsiin Degmada, waxaanu kaa codsanaynaa in aad dardargelin dedejin ku samayso habsami-socodka biyo gelinta Degmada iyo Deegaanka ay degmadu xukunto.

5. Korontada, Mudane madaxwayne Waxaa marag madoon ah oo indhahaaga aad ku arki doontaa insha allah, in degmada intaa le’eg aanu in muddo ah laydh u bixin, dadkuna ay la cadiban yihiin koronto la’aan, magaalada meelwalba waxaa ka baxayaa Mashiin yar oo YANMAR ah oo dadku shiteen si ay koronto u helaan, waa arin murugadeeda degmada intaa le’eg ee korontadu ka bakhtiisnayd muddada dheer, waxaanu kaa rajaynayna arinta koronta aad xal deg deg ah u helidoonto insha allah.

6. Waxbarashada, mudane madaxwayne waxaa jirta tayo xumo waxbarasho oo ku habsatay deegaanka degmada gaashaaamo, way jiraan iskuulo, way jiraan maclimiin wuu jiraa nidaam waxbarasho, laakiin se waxaa meesha ka maqan oo aan gebi ahaanba jirin Tayadii waxbarasho lahayd, waxyaabaha dib u dhaca wayn ku keenay Degmada waxaa ka mid ah tayo-xumada waxbarasho ee ka jirta, waxbarashaduna waa aasaaska, seesku haduu liitana lagu dul dhisi karo wax kale, mudane madaxwayne waxaanu kaa rajaynaynaa in aad hoos u eegto tayada waxbarasho oo macalimiinta Degmada loo soo diraayo tayadooda la hubiyo.

7. Caafimaadka, Mudane madaxwayne caafimaadka degmadu wuu hooseeyaa, waa dhab oo waxaa degmada ka dhisan Cisbitaalo waawayn iyo xurumo caafimaad oo yar yar, hasa yeeshee mayaalo daryeelkii caafimaad ee loogu adeegi lahaa bulshada, gaar ahaa dhanka dhakhaatiirta oo tayo xumo badani ka jirto, waxaad arkeysa Hooyo foolaysa oo markii waxba lagaga qaban kariwaayey degmada, Gobolkii iyo caasimadiina Waddo la’aan loo gaadhsiin waayey isku dhimata ama loola cararo dhanka wadamada jaar ah, waxaanu kaa rajaynaynaa mudane madaxwayne in aad si wayn wax uga qabandoonto tayo caafimaadk ee degmada.

8. Hay’adaha madaxa banaan, mudane madaxwayne dunidan sadexaad waxyaabaha nolosha bulshada gacanta wayn ka geyksta waxaa ka mid ah Hay’adaha Madaxa-banaan, waxaa aad ugu yar deegaanka hay’adahaas ka shaqeeya arimaha bulshada, mudane madaxwayne waxaanu kaa rajaynaynaa in aad soo daadjin doonto oo soo kordhin doonto hay’adaha ka hawlgala Deegaanka Degmada Gaashaamo.

9. Dugisgayada farsamda gacanta, mudane madaxwayne farsamada gacatu waa aqoonta dhabta ah ee lagu maareeyo nolosha aadamah, (dad iyo duunyaba), ma jirto habayaraatee wax farsamo gameed amaba guud ahaan xirfadaha gaar ka ah la xidhiidha, oo degmada lagu bartaa, waxaanu kaa rajaynaynaa in aad baahidaana ka jawaabi doonto waxna ka qaban doonto hadii alle idmougu danbeyn mudane madaxwayne alle xilka aad ummadda u hayso hakuu fududeeyo.

Abdirahman Herer