Khudbad uu Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Kaga Hadlay Dhallinyarta iyo Sicir-bararka

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa si faah-faahsan uga hadlay qorsheyaasha siyaasaddeed ee Xisbiga WADDANI uga meel yaala dhallinyarta haddii ay ku guuleystaan talada dalka, waxaana uu sheegay in ay dhallinyarta Somaliland u jeexi doonaan dariiq mustaqbal oo ay kaga baxaan gebi ahaan caqadahii nololeed ee ay kala soo kulmeen Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo khudbad dheer ka jeediyey madal dhallinyaro oo Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynaayey boqolaal dhallinyaro ah, ayaa waxa uu si aada uga shaqo-abuurka, tahriibta iyo weli ba sida oo kale ciyaaraha, waxaana uu carabka ku dhuftay in Xisbiga WADDANI aad u dhiiri-gelinaayo in ay dhallinyartu noqoto kuwo si weyn uga dhex muuqda siyaasadda Somaliland isla mar ahaantaana intii uu golaha Wakiilada joogay uu dabarka ka furay xeerkii caqabadda ku ahaa ka qeyb-qaadashada siyaasadda ee dhallinyarta Somaliland.

Khudbadda Cirro oo aad u dheerayd, waxa kale oo uu ku soo qaatay sicir-bararka oo uu sheegay in aanay Xukuumaddu lahayn siyaasad cad oo ku wajahdo sicir bararka iyo siddii wax loogga qaban lahaa, waxaana ay u dhigneyd khudbaddaasi

Waan u mahad-naqayaa guddida soo qaban-qaabisay xafladdan dhallinyarada ee degmooyinka Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge, Salaxley iyo weli ba Balli-Mataan , waxa aan u mahad-naqayaa oo kale dhammaan ba dhallinyarada aan tiradooda la qiyaasi karin ee ka soo qeyb-gashay munaasibaddan. Dhallinyaradu waa hantida umadda, umadkastana dhallinyaradeedu waxa weeye hantida ugu weyn ee umadi lee dahay, markaa dhallinyaradu waxa ay u baahan tahya mustaqbal, waxa ay u baahan tahay qaran oo uma baahna Qabiil”.

“Intii aanu joognay Golaha Wakiilada, waxa aanu suurto-gelinay in dhallinyarada laga furfuro sil-siladdii ku xidhneyd in ay ka qeyb-galaan siyaasadda qaranka oo ahayd da’dii ay kaga qeyb-galaayeen Doorashooyinka, waxaana xidig ka ahaa oo ololahii sil-siladdaas lagu furfuraayey dhex socday Ibraahim Mahdi Buubaa “.

“Xisbiga WADDANI, waa Xisbigii ugu horreeyey ee suurto-geliyey in shirweyne loo qabtay dhallinyarada dhammaan ba degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dhahar iyo ilaa Lawyacaddo ama Saylac. Xisbigan waxa u qorsheysan in dhallinyarada awood laga siiyo hoggaanka dalka, waxa aad halkan ka arkeyseen hoggaamiyeyaasha dhallinyarada ah ee uu Yoonis ka mid ahaa ee halkan ka hadlaayey, waxaana ay hoggaanka Xisbiga ku lee yihiin kaalin weyn oo muuqata”.

Xisbiga WADDANI, waxa u qorsheysan in mustaqbalka dhallinyarada wax laga bedelo in loo abuuro fursado shaqo, in loo diyaariyo siddii ay dalkan hoggaankiisa u qaban lahaayeen, waxa Xisbiga u qorsheysan in fursad kasta la siiyo dhallinyarada si ay mustaqbalka u noqdaan dadkii dalkan hoggaaminaayey, imika na hoggaanka waa y ku jirana, waxaana aan rajeynayaa haddii aad sidaas u soo gashaan siyaasadda in aad ku guuleysanaysaan oo noqotaan mustaqbalka Doorashada tan ku xigta in aad hoggaamin kartaan dalka, waxaana aan anagu na ku dedaalaynaa in aanu soo saarno dhallinyaraddii, fursadda na siino in ay hoggaanka dalka qabtaan sida ugu dhakhsaha badan haddii Alle idmo.

Dhallinyarada aduunka waxa lagu dhiiri-geliyaa in ay siyaasadda soo galaan oo marka ay dugsiyada waxbarashada ku jiraan ayaa la kala tusaa Axsaabta wadamadaas ay ku nool yihiin, deed na waa ay kala doortaan oo da’ yar bay ku soo galaan siyaasadda, markaa maanta waxa aan ku faraxsanahay dhallinyarada da’dan ah ee maanta ku soo biiray Xisbiga WADDANI iyo guud ahaan siyaasadda Somaliland, waana aan idin ku dhiiri-gelinayaa.

Maanta, dalkeena waxa ka jira sicir-barar xad dhaaf ah oo taabtay nolosha qoys kasta oo reer Somaliland ah , kii mushaharkiisa qaadaneyey ee uu ahaa boqol dollar, maanta waxa uu qiimahiisii noqday Kontan Dollar, dhibbaatadaasi na waxa ay ka timi iyada oon Xukuumaddu lahayn siyaasad cad oo ay ku xakameyso sicir-bararka, waxa kale oo ay ku timi iyada oo shiling ka Somaliland oo mar kasta la soo daabaco tiro aan la garanayn oo lacag badan ah, deed na suuqa lagu sii daayo , waxaana aan Xukuumadda u soo jeedinaynaa in ay la timaado siyaasad lagu xakameynaayo sicir-bararka taabtay dhammaan nolosha shacabka reer Somaliland, gaar ahaan ciidamada qaranka iyo qoysaskooda.

Waxa aanu dhallinyarada ugu baaqeynaa in isbedelku ku iman karo codkooda, cabashooyinkii badnaa eed halkan ka soo jeediseena, waxa laga ga bixi karaa uun waa Fartiina ood isbedelka ugu hiilisaan. Doorashooyinkii badnaa ee Somaliland ka dhacayna marka la qiimeeyey cidda ugu badan ee codeysaa waa dhallinyarada uun, waxaana shacabkeena lagu qiyaasaa in 70% ay yihiin dhallinyaro, isbedelka aad dooneysaan, tahriibta waxa aad kaga baxaysaan, shaqo la’aanta waxa aad kaga baxaysaan oo dhan, markaa Isbedelkaa aynu dooneynaa waxa uu ku imanayaa uun waa codkiina.

Xisbiga WADDANI, waxa uu diyaar u yahay in uu noqdo kii shacbiga mideynaayey, in uu noqdo Xisbigii dhallinyarada iyo cadaaladda, eraygaasina aad buu ii soo jiitay, nin dhallinyari ah baana halkan ka yidhi oo magaca Xisbiga ku sheegay Xisbiga dhallinyarada iyo cadaaladda, taas baana aynu Xisbiga u aqoonsanaaneynaa wixii hada ka dambeeya, aad iyo aad na waad u mahadsan tihiin.

Khadar Gurayte

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.