Khasaaraha Ka Dhashay Qarax ka Dhacay Baydhabo

BAYDHABO – (WARSOOR) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo qof naftii halige ah oo soo xirtay Jaakadda Walxaha Qarxa uu ka fuliyay Maqaayad lagu qaxweeyo oo ku taala magalaada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur galbeed.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay qaraxaas ayaa sheegay in Qaraxa uu sababay dhimashada 2-qof, dhaawaca 5-kale iyo bur bur hantiyeed.

“Saaka barqadii abaare 11:15 AM, ayaa Qof Naftii-halige ah isku qarxiyay Maqaayad laga shaah cabo oo lagu magacaabo SUWEYS Cafetary ka soo horjeedka SALAAD JEERI Tower Xaafada  Bardaale ee Magaalada Baydhabo, qaraxa ayaa sababay dhimashada 2 qof,  dhaawaca 5 kale, Iyo burburhantiyed,” ayaa lagu yiray qoraal ka soo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed.

Maqaayadda Naftii haliga ah uu weeraray ayaa lagu magacaabaa Suweys oo ku dhegan Hotelka Baydhabo oo ah goob shacabka ay isugu yimadaaan.