Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka UNICEF ee Soomaaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta oo Sabti ah kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho waraaqaha aqoonsiga wakiilka cusub ee UNICEF ee Soomaaliya, Dr. Mohamed Ayoya.

Mudane Balal Cusmaan ayaa u caddeeyay sida uu diyaar ugu yahay fududeynta howlaha UNICEF ay ka fulinayso dhammaan gobollada Soomaaliya iyadoo loo marayo hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Dhankiisa, Wakiilka cusub ee UNICEF ayaa carabaabay sida uu ugu faraxsanyahay inuu wakiil uga noqday hey’addiisa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay inuu dadaal ku bixin doono xoojinta wadashaqaynta iyo howlaha isku duwidda ee kala dhexeysa xukuumadda federaalka si wax looga qabto xaaladaha bini’aadanimo, loona hirgeliyo barnaamijyada adeegga bulshada ee ku suntan dhallaanka, hooyada, waxbarashada iyo caafimaadka.