Somaliland oo digniin u jeedisay Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland

BADHAN – (WARSOOR) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa digniin adag u jeedisay Maamul-goboleedka Puntland oo caadaystay Sheegashada qaybo kamida Dhulka Somaliland, gaar ahaan Deegaamada Gobolka Badhan, waxaanay masuuliyiinta Dawladdu cadeeyeen in aan loo sii dulqaadan karin daandaansiga iyo xad-gudubyada qaawan ee Maamulkaasi ku hayo Bulshada.

Dhawaan ayey ahayd markii Wasiir ka tirsan Maamulka Garoowe uu Warbaahinta ka sheegay in maamulkiisu gacanta ku hayo Gobolka Sanaag intiisa badan, taasoo ah been cad oo aanu geed soo gaban, isla markaana ka turjumaysa gardaraysiga iyo hadba jar isku-qaadka Siyaasadda Garoowe.Sidaasina waxa cadeeyey Guddoomiyaha Gobolka Badhan ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Xaamud Cumar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Badhan, isagoo guddoomiyuhu digniin culus u jeediyey Maamulka Puntland iyo cid kasta oo ku howlan khalkhalinta nabad-gelyada iyo horumarka gobolkaasi.

“Waxaan ku suganahay Gobolka Badhan. guud ahaan xarumihii dawladda Somaliland ee gobolku way shaqaynaynayaan. waxaan halkan kaga jawaabayaa hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo ahaa inay meesha ka saareen wax alla wixii u shaqaynayey Xukuumadda Somaliland. waxaan leeyahay hadalkaasi waa hadal  waxba kama jiraan ah. Anigoo Guddoomiyihii gobolka ah iyo dhamaan Shaqaale weynihii waxaanu ku kala suganahay gobolka Badhan, taasaana inoogu filan tusaale wanaagsan. Waxa aanu u shaqaynaynaa oo aanu ka shaqaynaynaa waa deegaankayagii iyo gobolkayagii, waxa nasiib darro ah inay had iyo jeer caadaysato in cid aan gobolka u dhalan oo ka yimi Mudug, Jarriiban amma Burtinle in isagoo qol Xamar ah ku xidhan uu isku-buuqa iskaga biiyo bulsho degan oo uu hadal dhibaato ah ku soo dhex tuuro, iyadoo aanay mar, laba iyo saddexba ahayn inta jeer ee uu bulshada dhibaato ka dhex abuuray”ayuu yidhi Guddoomiye Xaamud.

Guddoomiyaha Gobolka Badhan waxa sheegay inay Xukuumadda Somaliland mar walba ku taagantahay oo ay Ixtiraamayso daris-wanaaga iyo nabad ku wada noolaanshiyaha Mandaqada, sidaasi darteed haddii Puntland iyo kooxaha kale ee Soomaaliya dhowri waayaan aanay u sii dulqaadan doonin. Waxaanu yidhi “Xukuumad ahaan iyo gobol ahaanba u dulqaadan mayno cid alaale cidii dhibaato ku haysa bulshada gobolka Badhan.

Maamulka Puntland waxaanu ugu baaqaynaa inay ku eekaadaan derisnimada. waxaanu leenahay derisnimadiina ku eekaada oo ha soo dhaafina. anigu Somaliland haddanu nahay waxaanu mar walba xeernaynaa waa nabad-gelyada iyo derisnimada. Waxaan ugu baaqayaa Bulshada gobolka Badhan inay nabad-gelyadooda, xasiloonidooda iyo horumarkooda ilaashaadaan.

Shalay oo u dambeysay waxaanu xadhigga ka jaraynay Mashaariic horumarineed, iminka waxa lagu jiraa xilli Jillaal ah, xukuumadda Somaliland waxa ay qorshaynaysaa sidii ay shacabkeeda ula qaybsan lahayd dhibaatada jirta” Guddoomiye Xaamud, ayaa intaasi ku daray in xafiisyada Qaranka ee heer Gobol iyo Degmo uu sudhan yahay Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna sugan yihiin Madaxdii maamul, Ciidamadii amniga iyo Hay’addaha kale ee nabad-gelyadu.Maamul-goboleedka Puntland, ayaa gobolada Sanaag, Sool iyo Buuhoodle oo ka tirsan dhulka Somaliland u sheegata, si ay ugula gorgortanto Dawladda Federaalka Soomaaliya ee ay madaxa iskaga maran yihiin tan iyo markii dibada lagu soo aasaasay, waxaanay marba marka ka dambeysa ku guul-daraysanaysaa isku-dayga ay ku doonayso inay kula wareegto Deegaamadaasi.