Jawharadda Islaamka: Ammaanada (Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub)

Diinta Islaamku waa mid innagu boorisa ammaanada, caddaaladda, daacadnimada, dhowrsanaanta, xidhiidhinta sokeeyaha, akhlaaq wanaagga, ballan oofinta, runsheegnimada iyo tilmaamo kale oo aynaan halkan ku soo wada koobi karin oo jawharadda Islaamka ah. Qofka oo intaa ku sugnaadaa waa mid la yimid habdhaqankii tolmonaa ee Islaamka.

Sababta aynu u sheegaynaa waa qofka sifooyinkaa laga helaa in uu lafdhabarkii Islaamka fahmay. Haddaba aynu ka soo qaaddanno kuwo ka mid tilmaamahaa waa ammaanada.

Ammaanadu waa macaamil bulsheed oo shakhsiyadda qofka halbeeg u ah, kalsooni qofeed in lagu qabo waxa muggeeda sheegta kolba inta waxa lagu aamino loogu yimaaddo. Ilaahay waxa uu sheegay in aammaanada qaadisteeda loo bandhigay cirka, dhulka iyo buuraha oo culayskeeda diideen. Aadanihii kolka loo bandhigayna tunkuu ku qaatay. Culayskaa uu aadanuhu qaaday intooda ka soo baxda way kooban yihiin, se cidda ka soo baxda waxa loo ballanqaaday abaalmarin weyn.

Ammaanadu waxa caan ku ahaa nabi Maxamed oo innaga wax walba hormood inoogu ah naanays ayey u ahayd intii aan nabiga laga dhigin oo Maxamed-Amiin ayaa la odhanjiray.

Rasuulku NNKH, saddex tilmaamood qofka laga helo waxa uu ku sheegay munaafaq badhaxtiran, qofka hal sifo oo saddexdaa ah lagu arkana waxa uu ku sheegay in qayb munafaaqad ahi ku jirto, “Caalamadaha munaafaqu waa saddex; marka uu hadlayo been ayuu ku hadlaa, wacadka waa uu ka baxaa, wuu khaayinaa cidda aaminta.”

Ilaahay suuradda Nisa’ waxa uu amar ka dhigay ammaanada dadkeeda in la siiyo, “Ilaahay waxa uu idin faraya ammaanada cidda leh in aad siisaan.” Aayaddani waa aayadaha Alle sida cad amarka ugu bixiyo samaynta arrinka uu kolkaa ina farayo.

Cabdillaahi ibnu Cumar waxa uu Rasuulka ka soo wariyey, “afar hadday agtaada ku kulmaan, adduunka wax kaa maqan ma jiro: xifdinta ammaanada, runsheegnimada, dabci wanaagga iyo dhowrsanaanta cuntada.”

Suuradda Mu’minuun, oo ka warranta tilmaamaha mu’miniinta ayaa sifadan lagu sheegay, waliba la raaciyey abaalkoodu waxa uu ahaan doono, “Waa kuwa dhowra ammaanooyinka iyo wacadyadooda.”

Anas Bin Maalik waxa uu sheegay in maalin Rasuulku ku khudbadeeyey, “Rux aan aamin ahayni iimaan ma leh, ruux aan wacad lahaynna diin ma leh.” Hadalkaa suubbanuhu waa hadal xeeldheer, iimaanka oo aynu ognahay diinta xagga uu ka taaganyahay waxa lagu sidkay ammaanadii.

Haddii qofka lagu tuhmo in aanu ammaano lahayn, waxa lunta kalsoonida dadku u hayaan, waxa meesha ka baxda in la aamino. Islaamku waxa uu isku ladhay iimaanka iyo ammaanada, haddii aad iimaan leedahay ammaano waa in aad lahaataa. Ogobeey, Islaamku waa diintii dhowrsanaanta, sharafta, kalsoonida iyo dad-ladhaqanka.

Ammaanadu waa astaan ka mid ah astaamaha lagu garto jawharadda Islaamka. Qof kasta oo Mulim ah waxa korkiisa saaran in uu ilaaliyo ammaanada, hala macaamilayo Muslimiin ama gaalo, waana in uu maankiisa ku haya kolka uu la macaamilayo dad aan Muslim ahayn in habdhaqankiisa la eegayo, isna uu yahay wakiilkii diinta, dhowrista sharafka diintuna korkiisa saaran tahay. Midda labaad qof kasta waxa lagu eegayaa waxa lagu aaminay oo if iyo aakhiro weydiinteedu hortaallo.