Xubno katirsan Golaha wasiirada dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Hargeysa shir kula yeeshay Ganacsatada reer Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xubno katirsan Golaha wasiirada dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu hogaaminayay wasiirka Maalgashiga ay aa kulan la qaatay  masuuliyiinta xukuumadda iyo Ganacsatada reer Somaliland.

Kulankaas oo ka dhacay magaalada hargeysa ayaa ujeedadiisu ahayd sidii labada dawladood isaga kaashan lahaayeen arrimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga labada deegaan.

Waxana kasoo qayb galay kulankaasi dhanka Somaliland Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, Wasiirka Maalgashiga Maayir ku xigeenka caasimadda iyo qaar ka mida Ganacstada waaweyn ee Somaliland. Dhanka dawlad deegaan kana waxaa kamid ahaa ahaa masuuliyiinta ka socotay Wasiirka Maalgashiga, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, Wasiir ku xigeenka warfaafinta, Guddoomiyaha rugta ganacsiga dawlad deegaanka, iyo Meeyarka degmada Wajaale ee dhanka Itoobiya.