” Jabuuti Xagay Ina Jiidanaysaa ”

Madaxwaynaha Wadanka Maraykanka Donld Trump ayaa mar uu la hadlayay kooxda saaxiibnimada Ruushka iyo Maraykanka ayaa wuxuu yidhi ” Maraykaku wuxuu ula dhaqmayaa Jarmalka sidii cadowga , maxaa yeelay Jarmalka waxaanu iska hornimi dagaalkii labaad ee aduunka ”.

Mr Trump warbixintan oo laggu faafiyey mreegta Independent isagoo ka sii hadlaya wuxuu sheegay in Ruushka iyo Maraykanku la wada dagaalamaeen Jarmalka isla markaana ku waayeen 50 malyuun oo qof.

Sababta hadaba aynu usoo qaadanay hadalka Trump waxay tahay, Donald Trump awoowgii rumaad oo la odha jirey Johann Philipp Trump wuxuu ku dhashay Magaalada Patiine ee wadanka Jarmalaka (1667–1707), waxaanu usoo wareegay dhinaca Maraykanka halkaasoo dib looga tarxiilay, sidaa darteed Mr Trump asal ahaan , dhiig ahaan iyo dhalasho ahaan waa nin Jarmala , hasa yeeshee dhinaca aragtida iyo wadaniyada waa nin Maraykana , maraykan nimada ayaana kala wayn isirka iyo abtirsiimadiisa jarmalnimo sidaa awgeed ayaanu jarmalka bun uga dhimaynin.

Geesteenan Somaliland, Mogdisho in aynu u jawaabno iyo in aynu iska celinaaba way inoo fududahay, hadii ay juuq inoo tidhaahdana u jawaabisteeda waaba la inoo kala horaa, safaf dhaadheer oo kuwa doorashada la mida ayaana loo galaa u baratanka jawaabaha Mogdisho, hasa yeeshee si kastoo Djabouti inoogu jeestayso wax inagu adkeeyay mooyaane in aynu jabuuti u jawaabnaa way inagu adagtahay, tolo jabuuti xagay ina jiidanaysaa.

W/Q: Ahmed Nour Guruje