Cibaado Kaga Faa’iidayso Fantada Fayraska Corona

Illaa iminka dadka fayraska corona ku dhacay oo madaxda Ingiriisku ku jirto (iyadoo ay 24kii saac ee u dambeeyey ingiriiska ku dhinteen in ka badan 180 qof, laba habeen ka dibna sidii cudurkan laga arki jirey ay dhiman doonaan in ku dhow 400 ) waxay inta la ogyahay marayaan in ka badan Malyan badhkii, inta u dhimatay oo u badan Talyaani, Isbaanish, Shiinaha, Iiraan iyo Faransiis waxay maraysaa in ka badan 25 kun oo qof. Waxaa la filayaa labada todobaad ee soo socda inuu ka ihi siiyo Ingiriiska iyo Maraykanka oo ka yaaban afka ay cudurka ili ma aragtayga ah kula saayireen wadamada Af jarmalka ku hadla.

Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo Asxaabta uu ka baxay Salaad Jaamac Diiriye oo xanuunkan ugu geeriyooday magaalada Bemiyam, UK. Intii dhimatay Illaah ha u naxariisto inta u jiiftana alle ha ka caafiyo inta aanu soo gaadhina Rabbi ha ugu wado caafimaadka.

Mar haddii dadkii guryaha lagu xereeyey oo shaqadii iyo goobihii jimicsiga la xidhay, waxaa haboon in lagaga faa’idaysto cibaadaysi. Markaad waajibkaaga salaada ka gudato, waxaa kula gudboon in aad sunayaasha badsato si jidhkaaga iyo maskaxdaadu u fayoobaado. Ha moogaan inaad xasuusnaato salaaddaha aan la ina farin inay sunayaal ka dambeeyaan iyo xiliyada aanay habboonayn salaaddu.

Waa wakhtigii aad badin lahayd akhriska diinta iyo tan adduunyo, waa markaad kordhin lahayd xidhiidhinta telefoonka qaraabada iyo intaad jeceshahay. Waa wakhti ay mudantahay inaad ka fogaato baqdinta oo aad ku dhowaato aqbalaadda qaddarka Eebe.

Cid kasta oo shabakadaha Soomaalida ula dhaqanta sidii hangashtii jabtay, cidkasta oo niyad jebisa Qalinleyda Soomaalida, waxay halis u yihiin in calaamad gumeed ka muuqato. Waxaa soo badanaysa cabashada Qalinleyda ee qoraaladooda laga dhigay qol ku raag iyo wax la qubay. Qalinleydu dooni maayaan in la kala dhex galo iyaga iyo Tifaftirayaasha shabakadaha Soomaalilaan, waxay jeclaan lahaayeen in fikirkooda dhakhso loogu soo wadho. Shirkadaha Internetku ha ka fiirdadaan wixii halkaa uga soo jiidaya sumcad xumo.

Waxaan u mahadnaqayaa xiligan adag shirkadda Edahab oo noo suurto gelisey in anagoo guryahayaga ku xidhan aanu ehelkayaga gaadhsiino waxtarkayaga, haba yaraado e. TalkRemit guuleyso insha Allah.

Bashiir Tarabi Oogle.