Kiisaska Coronavirus ee dalka Jabuuti oo kordhay

Jabuuti – (warsoor) – Dawladda Jabuuti ayaa war-saxaafadeed cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in 144 qof oo baadhis caafimaad lagu sameeyay laga helay 7 ka mid ah cudurka Coronavirus.

Guud ahaan tirada dadka la baadhay tan iyo 17-kii March ayaa war-saxaafadeedku sheegay inay tahay 620 qof, kuwaas oo 25 ka mid ah lagu arkay xanuunka.

Dadkan ayay wasaaradda caafikaadka ee Jabuuti sheegtay in dhammaantood xaaladooda caafimayd ay wanaagsan tahay.

Sidoo kale waxay wasaaradda caafimaadka ee Jabuuti sheegtay in xarunta dadku lagu kaarantimeeyo lagu hayo 26 qof oo loo kuurgalayo xaaladooda caafimad.

Dhinaca kale waxaa weli taagan xayiraadihii dhinaca isu imaatinka ee dawladda Jabuti ay soo saartay.

Xigasho: VOASOMALI