Jabhada Tigray Oo Shaacisay In Aysan Wadahadal La Yeelaneynin Dowladda Itoobiya

ITOOBIYA – (WARSOOR) – Janaraalka hoggaaminaya dagaalyahanada Tigray, Tsadkan Gebretensae ayaa sheegay in aysan jirin wax wadahadal oo ay la yeelanayaan dowladda Federaalka Itoobiya.

Tsadkan Gebretensae ayaa wuxuu sheegay in dagaalka uu haatan marayo meel gabogabo ah.

Dhinaca kale, xafiiska warfaafinta ee dowladda Itoobiya wuxuu ku eedeeyay ciidamada Tigray in tiro dad ah ay ku dileen magaalada Kombolcha.

Mana jirto ilo madaxbanaan oo xaqiijin karta eedeymaha balse fallaagada TPLF ayaa horey u beenisay inay bartilmaameedsadeen dad rayid ah.