“Hore ayaan u tanaasulay oo aan Guddoomiye ku-xigeenka ugu tanaasulay, mardambe ma tanaasulayo” Wasiir Xasan Gaafaadhi

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi), oo maanta si rasmi ah u shaaciyey inuu u tartamayo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in aanu ka tanaasuli doonin damaciisa, maadaama oo uu hore u soo tanaasulay.

Dr. Gaafaadhi ayaa so dadban u sheegay inuu hore ugu tanaasulay Guddoomiye kuxigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin, isla markaana uu maanta Xasan ahaan mudan yahay in loo tanaasulo.

Dr. Gaafaadhi oo warbaahinta la hadlayey waxa uu yidhi “2012-kii Ururkaygii Rays, awood Xukuumaddeed iyo tii Xisbiga Kulmiye ayaa lagu riday oo la igula dagaalamay, waanan tanaasulay, markii dambena Kulmiye ayaa ku biiray oo aan u keenay 100 kun oo cod. Markii aan Kulmiye ku biiray waxa aan damacay in aan isu sharaxo Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Kulmiye, markaasna dagaal ayaa la igu qaaday oo culays ayaa la i saaray in aam tanaasulo, waxaanu ku tanaasulay madal ay joogeen Haldoorka Habarjecelo oo uu ka mid yahay Suldaanka Guud, Xirsi iyo Maxamuud Xaashi, maalintaasi waxa aan sheegay in tanaasulkaasi yahay kii u dambeeyey. Halkaas waxa ay iyagi ku qireen in aanu tanaasul badan igu hadhin cid ila iman kartaana aanay jirin. Waxaan qabaa in aan anigu mudanahay in la ii tanaasulo, anigoo maanta eegaya waaqica siyaasiga ah ee taagan, anigoo danta Xisbiga eegaya”
Wargeyska Saxansaxo