Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska oo Mucaarad iyo Muxaafad ba Xafladdii ugu Ballaadhneyd Ku Qaabilay Weftigii uu Hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha WADDANI ee Dalka UK

LONDON – (warsoor) – Munaasibaddii ugu ballaadhneyd abid ee ay jaaliyadda Somaliland ee dalka UK muxaafad iyo mucaarad ba ay si wada-jir ah ugu qaabilaan madaxda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay inta la arkey, waxa ay habeenkii xalay ahaa ku qaabileen wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo muddooyinkii dambe socdaal ku joogay dalka boqortooyada UK, ayaa ka dhacday magaalada London ee caasimadda u ah dalka Ingiriiska.

Munaasibaddan oo ujeedkeeda guud uu daarnaa siddii qaadhaan looggu ururin lahaa dadka abaarahu saameeyeen ee Somaliland, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi Ambassasor Maxamed Xaaji Cali Cabdi, hoggaamiyaha xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbigaas Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, siyaasi Dhoolle-yare, siyaasi Aadan Suldaan Cabdiraxmaan, kaaliyaha arrimaha Warbaahinta Murashaxa Madaxweynaha WADDANI siyaasi Muniir Axmed Cigaal, mas’uuliyiinta iyo madaxda laamaha xisbiga WADDANI ee UK iyo weli ba taageerayaal iyo dadweyne kale ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee u dhaqan wadankaasi.

Qaar ka mid ah madaxda xisbiga WADDANI ee laamaha wadanka UK iyo weli ba mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee wadankaasi oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa si xoogga ugu dheeraaday ujeedka kulankaasi iyaga oo sheegay in kulankan ballaadhan ay iskugu yimaadeen siddii ay gurmad iyo qaadhaan ururin ugu sameyn lahaayeen dadka abaarahu saameeyeen ee Somaliland iyo weli ba sida oo kale siddii la iskaga xog-waraysan lahaa xaaladda dalka iyo sida loo badbaadin karo iyaga oo ugu horreyn muujiyey in ay Alle ka baryeyaan in uu abaaraha ka soo jebiyo umaddiisa sida oo kale na ay sheegeen in ay ka qeyb-qaadanayaan gurmadkan abaareed ee uu Xisbiga WADDANI u horseeday misna uu iskugu keenay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadankaasi siddii ay ugu gurman lahaayeen dadkooda tabaaleysan.

Waxa kale oo madaxda xisbiga WADDANI ee laamaha wadanka UK iyo weli ba mas’uuliyiint, siyaasiyiin ta iyo qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland ba ay tilmaameen in ay aad uga xun yihiin xaaladda siyaasaddeed ee uu dalku maraayo iyaga oo tilmaamay in ay diyaar u yihiin siddii ay dalka uga badbaadin lahaayeen siyaasada xumada ku habsatay iyo sida oo kale na uga hor istaagi lahaayeen hoggaan xumo uu dalkani ku dhaco mar kale, waxaana ay dheyda ka caddeeyeen in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga keliya ee maanta lagu aamini karo dalka.

Siyaasi Aadan Dhoole-yare, siyaasi Aadan Suldaan Cabdiraxmaan, siyaasi Muniir Axmed Cigaal iyo weli ba xildhibbaan Cabdiraxmaan Xoog oo dhammaantood iyagu na halkaas ka jeediyey khudbado aad u dheeraa, ayaa ku dheeraaday xaalka uu dalku maraayo iyo weli ba sida loo badbaadin karo oo ay jaaliyadda Somaliland ee wadankaas Ingiriiska ay ka codsadeen in ay ku soo taageeraan isbedelka kheyrka qaba ee ay umadda u wadaan.

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo weli ba guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo iyagu na khudbado taariikhi ah oo ruxay qulbiyada dadkii halkaas ka soo qeyb-galay, ayaa iftiimiyey in Xisbiga WADDANI uu badbaado u yahay qaranka Somaliland, iyaga oo sida oo kale na iftiimiyey xisbiga KULMIYE aan mar dambe lagu aamini karin talada dalka Somaliland.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa khudbad taariikhi ah oo dhinacyo badan taabaneysa ujeediyey jaaliyadda Somaliland eek u dhaqan wadankaasi isaga oo si aada uga hadlay sida ay ka xisbi ahaan u xalinayaan dhibbaatooyinka abaaraha soo noq-noqday iyo siyaabaha loogga bixi karo haddii ay ku guuleystaan talada dalka, dabar-goynta musuqmaasuqa, ilaalinta hantida qaranka, arrinta hada taagan ee saldhiga, hir-gelinta hannaanka Doorashooyinka iyo joojinta muddo-korodhsiimooyin dambe oo qaranku ku dhaco, waxaana uu iftiimiyey in haddii uu ku guuleysto talada dalka uu wax badan ka bedeli doono nidaamka siyaasaddeed ee Somaliland oo uu xusay in ay Somaliland wheel u noqotay horumar la’aan isaga oo xusay in ay sida oo kale na Somaliland u raadin doonaan Ictiraaf dhaba oo ay beesha caalamka ka hesho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.