DHACDADA XAYAYSIISKA DHARKA IYO TALOOYINKA KU WAAJAHAN XUKUUMADDA, CULIMADA & BULSHADA.

Qof walba dhinac ayuu ka istaagay dhacda ‘WIILAL REER HARGEYSA AH OO DHAR- XAYAYSIINAYAY’. Fekerkayga haddii aan soo bandhigo, iyada oo aanan ku degdegayn ‘xaaraan iyo xalaal’ ka uu noqonayo, Dhacdadaasi waxa ay ahayd dhacdo dhaqankeena iyo diinteenna suuban ka hor-imanaysa, qodobadan awgood:

  1. Dharka ay xidhnaayeen waxa uu ahaa dhar ku dhagan oo cawradooda muujinayay. Sida muuqaalada ka muuqatay qaar ka mid ah cawradooda ayaa muuqatay oo xuduntooda meelo ka hooseeya ayaa muuqday.  Sharciyanna ma bannaana in qofka muslimka ah uu xidho dhar xubnihiisa jidhka muujinaya rag iyo dumarba.
  2. Goobta waxa joogay HABLO, dharka la xayaysiinayayna waxa ay ahaayeen DHAR-RAG, sidaas awgeed, waxa cad in habluhu ay meesha u yimaadeen in ay daawadaan ragga, sababta oo ah badankoodu waxa ay moobiladooda ku qaadanayeen sawiro, mana bannaan in habluhu daawadaan jidhka ragga.
  3. Inta badan dhacdooyinka iyo dhaqanada kuwan la mid ah waxa ay inagaga yimaadeen dalal aan muslim ahayn iyo kuwo muslim ah oo caadaystay ku dayashada dhaqanada kale. Sidaas awgeed, sidii rasuulkeenu (SCW) inoo caddeeyay ‘ninka/gabadha qoom isku eekaysiiya, iyaga ayuu la mid yahay,”.
  4. Maadaama oo ay dhacdadani tahay arrin aan bannaanayn oo ku cusub dhaqankeena iyo hiddoheena waxa ay reebaysaa mahadhooyin ay ku daydaan jiilalka danbe. Rasuulkeenuna xadiis saxiix ah waxa uu ku sheegay, “…Qofka sunne wanaagsan jideeya, waxa uu helayaa ajarkeeda iyo ajarka cidda samaysa, taas lidkeeda, Qofka sunne xun jideeya waxa uu mutaysanayaa ciqaabta danbigaas iyo cid kasta oo samaysa danbigooda…”
  5. Qofku (Rag iyo Dumar) kuu doono ha noqdee in uu quruxdiisa muujiyo oo uu xayaysiiyo waxa uu ku mutaysan karaa xannuun daawadiisu ay adagtay in la helo oo ah ISHA ama CAWRIDA. Ragga iyo Dumarka jidhkooda iyo quruxda soo bandhigaya waxa ay halis u yihiin cudduurkaas.

Gabogabadii waxa aan farriin u dirayaa dhallinyaradaas, ganacsatada, culimadda, aqoonyahanka iyo xukuumadda. Dhallinyaradani waa jiil aynaan ka maarmayn oo aan rajaynayo in aanay arrintaas ugu talogalin ‘xummaan iyo dhaqan-xumo’ ay soo kordhiyaan. Waxa aan leeyahay tallaabooyinka noocaas oo kale ah marka aad qaadaysaan fadlan ka fiirsada oo wixii Illaahay iyo ummaddiisa cadho galinaya ka fogaada.

Ganacsatada waxa la gudboon keliya in aanay ka fekerin uun sidii ay dhaqaale iyo lacag u samayn lahaayeen ee waa in ay ka fiirsadaan ganacsiga ay ku jiraan bulshada dhibaato iyo faa’iido muxuu u keenayaa.

Xukuumadda, culimada iyo aqoonyahanka waxa aan leeyahay waxa inala gudboon in aynu dhallinyaradda iyo jiilasha wakhtigan oo la kulmay xilli adduunku noqday “hal tuulo”, tiknoolajiga iyo warbaahinta oo isbedel xawli ah ku socda awgeed, ka fekernaa habab iyo hannaan tolmoon oo isbedelkaas la jaanqaadaya, isla jeerkaasna dhaqanka iyo diinteena suuban waafaqsan. Tusaale, dhacdadani waxa ay marag-ma-doon u tahay in dhallinyaradu u baahan yihiin goobo madadaalo iyo tartanno, sida garooni iyo goobo lagu caweeyo oo ay aqoon diineed, maadi iyo jidh-dhisba ka helaan (recreation centers).

Waad Mahadsan tihiin.

Mustafe Adam

kibaaro@gmail.com

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap