Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah WADDANI Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaaladda Ceerigaabo

Ceerigaabo – (warsoor) – Weftigii ballaadhnaa ee SAMA-WADE oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo socdaal ku marayey deegaanada gobalka Sanaag oo dhawaan ay ka billaabmi doonto diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland, ayaa maanta si ballaadhan ay u soo dhaweeyeen xoogaga shacabka isbedel doonka ah ee degaanada hoos yimaada degmada Yufle iyo magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag.

Cabdilaahi_cirro

Waxaana guddoomiye  Cirro socdaalkan ku wehelinaayey xubno ka mid ah hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, xildhibbaano iyo mas’uuliyiin kale, iyada oo ugu horreyn ay shacabka deegaanada Yufle ay  si ballaadhan oo aan kala hadh lahayn ay ugu soo dhaweeyeen deegaanaddaasi iyada oo sida oo kalena duleedka magaalada Ceerigaabo ay kaga horyimaadeen boqolaal shacabka oo isbedel doon ah ku waasi oo muujiyey helaan iyo dareen dhab ah oo ay ku muujinaayeen taageerada la xaad ka leh ee xisbiga WADDANI.

Qaar ka mid ah shacabkii soo dhaweynaayey oo ugu horreyn ka hadlay deegaanaddaasi, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in uu deegaanaddaasi soo booqdo guddoomiye Cirro, sida oo kalena uu kala qeyb-qaato wacyi-gelinta diiwaan-gelinta Somaliland, waxaana ay carabka ku dhufteen in ay heelanaan dhab ah ay u qabbaan xisbiga WADDANI sida oo kalena ay hormuud u yihiin isbedel la mahadiyo oo ka dhaca guud ahaan dalka.

“Waxa aanu si diiran u soo dhaweynaynaa weftiga SAMA-WADE, farxad ayey noo tahay in uu na soo booqdo guddoomiye Cirro, si uu noo gala qeyb-qaato diiwaan-gelinta, waanu ku faraxsanahay, waana xisbiga kaliya ee aanu maanta taageersanahay, waa xisbiga kaliya ee la dareen ah runtii shacabkiisa, waxaana aanu hormuud u nahay in aanu ka qeyb-qaadanno isbedelka uu wado xisbigaasi.”.Ayey yidhaahdeen shacabka deeganaddaasi.

Qaar ka mid ah xildhbibbaanada, siyaasiyiinta deegaankaasi iyo mas’uuliyiinta heer gobal ee xisbiga WADDANI oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in shacabka deegaankaasi ay heelanaan dhabba u qabaan xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana uu xisbigu tirsanaayo codkooda iyo weliba cududoodaba, waxaana ay dhammaantood hoosta ka xariiqeen in ay ka niyad go’een xisbiga Kulmiye muddadii uu xukumaayey talada Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro oo isna hadal kooban u jeediyey shacabka deeganaddaasi, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey soo dhaweyntooda, waxaana uu ku booriyey in ay ka qeyb-qaataan diiwaan-gelinta codbiyeyaasha Somaliland.

“Dhammaan shacabka degmada Yufle iyo Ceerigaabo ba, Odeyaasha, cuqaasha, salaadiinta, dadweynaha, haweenka, saxaafadda iyo mas’uuliyiinta kale ba , waxa aanu idiin ka mahadnaqaynaa sida ballaadhan ee aad noo soo dhaweyseen oo ay daan ugu kala hadhin soo dhaweyntayada, waxa aanu u soconaa oo aanu idin ku nimi SAMA-WADE Sanaag. Afar gobal oo hore ayaanu soo marnay, gobalkanna waa kii Shannaad , u jeedada aanu u nimina waa in aanu shacabka Somaliland, gaar ahaan kuwa gobalka Sanaag aanu kala qeyb-qaadano oo aanu xog-oggaal u noqono, sida oo kalena aanu la socono wixii dhib ah ee jira ee diiwaan-gelinta muwaadiniinta reer Somaliland ee hada ka billaabmaysa gobalka Sanaag.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiyahu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu guubaabo u diray shacabka gobalka Sanaag, gaar ahaan deeganaddii aanay hore u dhici jirin doorashooyinka iyo diiwaan-galinahu ba, waxaana uu yidhi:“Waxa aanu ku guubaabinaynaa oo aanu u baaqeynaa shacabka ku nool gobalka Sanaag in muwaadin kasta oo gaadhay da’da sharcigu u oggal yahay in uu is diiwaan-geliyo ayaanu ugu baaqeynaa, waxa aanu gaar ugu sii baaqeynaa degmooyinka gobalka Sanaag ee aanay hore uga dhici jirin doorashooyinka iyo diiwaan-gelintu ba , Isha Allah in shacabku heegan u noqdaan una diyaar garoobaan in ay is diiwaan-geliyaan.”.

Ugu dambeyntii, Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ka hadlay faa’idooyinka ku jira diiwaan-gelinta Somaliland

“Diiwaan-gelinta siyaabo badan ayeynu uga faa’ideynaa, waxa aynu uga faa’ideynaa in aynu helno doorasho xor ah, waxa aynu uga faa’ideysanaynaa in aynu helno doorasho xor iyo xalaal ah, oo tartan baa ku dhex jira, waxaana aan filayaa in gobalka Sanaag uu yahay gobalka ugu weyn juqraafi ahaan marka la eego Somaliland oo waxa aan filayaa in uu yahay 40% , sidaas awgeed codka soo bixi doonana waxa la idin ka filayaa in dadku na ay noqotaan 40% Isha Allah. Dhinaca ay ka baxdaana waa bakeylo qaleen.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.