Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland oo Kulan La Yeelatay Safiir ku-xigeenka Dalka Jarmalka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Marwo Amina Cilmi Farid, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamad Cismaan Siciid (Somali) iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Waaxyaha ayaa qaabilay Wefti balaadhan oo uu hogaaminayay Safiir ku xigeenka Dalka Jarmalka ee Kenya Mr. SASCHA ANDREAS iyo Agaasimaha Germany Trade and Investment CARSTEN EHLERS.

Kulankan waxa lagaga wada hadlay oo warbixino laga siiyay ilaha maalgashi ee dalka iyo sidoo kale fursadaha maalgashi ee ka banaan Somaliland.

Sidoo kale waxa kulankan la isku waydaarsaday laguna falanqeeyay sida ugu fudud ee Shirkadaha Jarmalku u heli karaan xogta iyo macluumaadka ay u baahdaan sidoo kale waxa laga wada hadlay mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka wadaan Shirkaddaha Jarmalku.

Kulankan ayaa gogal xaadh u ahaa Shirkaddo ka socda dalka Jarmalka oo iman doona Somaliland si ay u maalgashadaan.