Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 4aad ee Dugsiyadda Sare oo maanta la galay lana soo Gabo gabeeyay

Hargaysa – (warsoor) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa magaalada Laascaanood ka daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada afraad ee dugsiyada sare, Kaas oo isla maanta la soo gabo gabeeyay.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 4aad ee dugsiyadda sare ayaa guud ahaan dalka oo dhan si rasmi ah loogu fadhiistay.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa sheegay inay hawl wadeeno tiro badani ka qayb qaadanayeen imtixaanka shahaadiga ah ee maanta furmay soona xidhmay.

Dhanka kale Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarshada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Abokor Maxamed ayaa soo kormeeray dugsiyada lagu galay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada afraad ee magaaladda Boorama.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarshada iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed waxa kormeerka ku wehelinayey masuuliyiinta gobolka Awdal, degmada Boorama, xubin ka socotay xafiiska imtixaanaadka qaranka, masuuliyiinta waxbarashada gobolka Awdal.

Waxayna soo kormeereen 26 goobood ee lagu galay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, iyada oo ay gobolka Awdal imtixaanka uga fadhisteen 1470 Arday, ugu horayna waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Awdal Jeeke Cismaan Ciye, oo u mahad celieyey hawl wadeenada imtixaanka, isaga oo si gaar ah ugu mahadnaqay ciidamada ka qayb qaadanaya ilaalinta nabad galyada gaar ahaan goobaha imtixaanaadka.

Geesta kale, waxa iyana halkaas ka hadlay agaasimaha waxbarashada tooska ah Raxma Ibraahin Aamin, maayarka degmada Booarama Saleebaan Xasan Xaddi, guddoomiyaha gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali, iyaga oo dhamaan tood xusay in imtixaanka oo maanta oo kaliya la qaadayo ay sababtay xaaladda xannuunka covid-19, iyaga oo Ardayada u rajeeyey in alle ku guuleeyo dedaalkii ay mudada dheer soo wadeen.

Gabogabadii waxa kormeerkaas ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarshada iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed, oo sheegay in Ardayda u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah ay dhamaantood buuxiyeen shuruudihii lagu xidhay ee la xidhiidhay ka hortaga xannuunka coronavirus, wuxuuna tilmaamay in imtixaankani ka duwan yahay imtixaanadii hore, iyada oo mudada lagu soo koobay hal maalin, waxa kale oo uu intaas ku daray in ay si nabadgalyo ah uu ku soo dhamaaday, isaga oo u mahad celiyey guud ahaa hawla wadeenadii ka qayb qaadanayey Imtixaanaadka.

Geesta kale, gobolka Saaxil ayaa looga fadhiistay Imtixaanka SHahaadiga ah sida uu ku soo waramayo C/salaa Xariir Sheekh Cismaan waxana gobolka Saaxil u fadhiistay Imtixaanka shahaadiga ah Araday tiradoodu dhan tahay 687 Arday, oo ku kala galayey 16 goobood guud ahaan gobolka Saaxil.

Geesta kale, masuuliyiinta gobolka Sanaag iyo ka degmada Ceerigaabo ayaa soo kormeeray goobaha uu ka socday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada afraad ee dugsiyada sare.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka waxbarashada ee gobolka Sanaag, Ibraahin Ducaale Xuseen (Jabane) oo sheegay in imtixaanku jawi wanaagsan oo nabadgalyo ah uu ku bilaamay, wuxuuna intaas ku daray in Arday tiradoodu tahay 589 ay gobolka Sanaag uga fadhiisteen imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada afraad ee dugsiyada sare, isaga oo ammaan iyo bogaadin u soo jeediyey masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland oo uu tilmaamay in ay dedaal galiyeen sidii imtixaanka loo qaadi lahaa wakhiti uu jiro xaalada xannuunka covid-19.

Sidoo kale, waxa isna halkaas ka hadlay maayar ku xigeenka Magaaladda Ceerigaabo Saalax Ismaaciil Cabaas, oo Ardayda kula dardaarmay in ay si degan imtixaanka ugu fadhiistaan isla markaana iska ilaaliyaan wax kasta oo khalkhal ku keeni kara imtixaankooda inta ay ku jiraan, wuxuuna bogaadiyey masuuliyiinta waxbarashada ee gobolka Sanaag.

Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), oo sheegay in 12 goobood oo gobolka Sanaag ah looga fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah isla markaana ay ku bilaameen jawi degan oo nabadgalyo kuna soo dhamaadeen, wuxuuna u mahad celiyey cid kasta oo ka qayb qaadatay sidii imtixaankaasi uga qabsoomi lahaa gobolkaas.

Dhinaca Kale Gobolka Buuhoodle Waxa si habsami ah looga fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 4-aad ee dalka kaas oo isla maanta la soo gabo gabeeyay.

Isuduwaha wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ee gobolka Buuhoodle Cabdi Bille Xaaji Ducaale  ayaa sheegay in uu gobolka Buuhoodle si habsami ah uga qabsoomay imtixaanka shahaadiga ahi.

Waxaanu xusay in imtixaanka loo galay  habraaca gudida qaran ee xanuunka covid-19 si laysiga ilaaliyo xanuunkaas.  Ugu dambayna waxa uu isuduwuhu sheegey in si daggan uu imtixaankii ugu dhamaaday.