Hoggaanka Xisbiga WADDANI oo Saaka Kulan Lagu Dhiiri-gelinaayo Nabadda La Qaatay Odey Dhameedyada Ka Soo Jeeda Beelaha Dirirtu Dhex-martay ee Deegaanka Ceel-afweyn

Hargeysa – (warsoor) – Hoggaanka xisbiga WADDANI, ayaa saaka kulan lagu dhiiri-gelinaayo sii xoojinta nabad waarta oo ka dhex-dhalata beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaanka degmada Ceel-afweyn ee mudada dheer ay u soo dhaxeysay dirirta colaadeed la qaatay odey dhaqameedka iyo weli ba qoorweynta talo-qabeenka odeyada deegaanaddaasi ee ka soo kala jeeda labadaasi beelood.

Kulankan oo saaka ka dhacay hotel Maamuus ee magaalada Hargeysa, ayaa sida oo kale ujeedkiisu ahaa siddii ay mas’uuliyiinta xisbiga WADDANI ay odey dhaqameedyaddaasi ugu dhiiri-gelin lahaayeen ka shaqeynta nabad-gelyada iyo weli ba sida oo kale siddii ay dadka walaalaha ee ku wada dhaqan deegaankaasi ay ugu wada noolaan lahaayeen nabad waarta oo laga dhex dhaliyo, waxaana ka soo qeyb-galay xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, xoghayaha maaliyadda WADDANI Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif, Siyaasi Cabdillaahi Daamur, Pro.Qaasim Tubeec, Keyse Cali Geedi, Cismaan Afgaab iyo weli ba xoghayaha golaha dhaxe ee xisbiga WADDANI.

Dhanka kale mas’uuliyiinta xisbiga WADDANI iyo odey dhaqameedyaddaasi, waxa kale oo ay baaq nabaddeed ay u wada direen beelaha walaalaha ah ee iyagu na ku dagaalamaya deegaanka Sool, waxaana ay ku booriyeen in ay labad dhinac ba soo afjaraan dhibbaatada dagaalka isla mar ahaantaana ay nabad-gelyo ku bedelaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.