Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socday Dalka SWEDEN

Hargeysa – (warsoor) – Madaxwayneku-xigeenka Somaliland, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti Swedeish ah oo dalka u yimi inay soo indha-indheeyaan xaqiiqda dhabta ah ee  ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland.

Waftigan  uu hoggaaminaayey Xil. Magnus Oscorsson oo ka tirsan baarlamanaka dalka Sweden iyo Mikael Tortosan oo u ololeeya qadiyada madaxbanaanida Somaliland iyo xubin ka tirsan hay’ada SIDA ee dalka Sweden u qaabilsan caawimooyinka dibada, ayaa sidoo kalena waxa wehelinaayey safiirka Somaliland u dhafiya dalka sweden Amb Sakariye Xasan Wacays.

Waftigan ayaa Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland kala hadlay arrimaha mucaawimooyinka ee uu dalka Sweden siiyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii sare loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dawladood ee Sweden iyo Somaliland.

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici ayaa waftiga uga mahad celiyay imaanshaha ay ku yimaadeen Somaliland, waxaanu warbixin ka siiyey xaalada abaarta adag ee dalka ka taagan iyo gurmadka samato bixinta ah ee socda.

Waftigan ayaa dalka ku sugnaan doona dhawr maamlmood si ay usoo kormeeraan qaar ka mida deegaamada ay ka jirto abaarta baahsan ee dalka ka jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.