Guddoomiyihii Hore Ee Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Sool Oo Sifo Sharci Darro Ah Loogu Xidhay Degmada Kala-baydh

Kala-baydh – (warsoor) – Guddoomiyihii Hore Ee Xisbiga Mucaaradka WADDANI Ee
Gobolka Sool Md Cabdilaahi Digaale Cali, ayaa abaaro 8:00 subaxnimo ee
shalay lagu xidhay degmadda Kala-baydh ee gobolka Sool.

Guddoomiye Digaale oo ka mid ahaa masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee
kormeerka ku maraya goobaha diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee
gobolka Sool, ayaa sugnaa degmada Kala-baydh oo ay kormeer ku marayeen
goobaha ku yaala oo uu sheegay Digaale inay si habsami leh uga socoto
diiwaan-gelintu 36 goobood oo hoos yimaada deegaanadda ay ka kooban
tahay degmadda Kala-baydh oo ka tirsan gobolka Sool.
Guddoomiye Digaale oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Qumannews,
ayaa sheegay inuu xidhay Taliye Maxamuud Baar’uud Gacmo-dheere oo ka
mida taliyeyaasha Guutooyinka ciidanka qaranka ee fadhiisinkoodu yahay
gobolka Sool. Isagoo sharaxaya markii la xidhayey Cabdilaahi Digaale
wuxu yidhi “Waxa la I xidhay Annagoo joogna degmadda Kala-baydh,
anigoo wakhtigaa ka mid ahaa masuuliyiin Xisbiga WADDANI ka tirsan oo
hawlo kormeer ah ka wadday goobaha diiwaan-galinta cod-bixiyeyaashu ka
socoto ee guddaha Kala-baydh. Waxa xadhigan oo ahaa mid caddaaladda ka
fog, isla markaana aanan garanayn ilaa hadda sababta la igu xidhay
fuliyey nin la yidhaahdo Maxamuud Baar’uud Gacmo-dheere oo taliye
Guuto ka ah Guuto ka mida ciidanka qaranka ee ka hawlgala gobolka
Sool”. Mr Digaale isagoo sharaxaya qaabkii uu u dhacay hawl-galkii iyo
falkii lagu la kacay ee xadhigiisa waxa uu yidhi “Waxaan mar qudha iga
wareegay ciidan badan oo uu hogaaminayo Gacmo-dheere shalay abaaro 8:
00 subaxnimo, kadibna waa I qabtay waxaanay igu qaadeen gaadhi, iyagoo
I geeyey meel ka baxsan magaalada xoogna uga durugsan, isagoo igu
xidhay qol aan lahayn meel yar oo kaliya oo laydhi kasoo gasho,
xoog-na u kulul xitaa cidi iigu-may iman karayn. Naftaydu ayaa khater
ku gashay run ahaantii”
“Run ahaantii ilaa hadda ma garanayo waxa la igu xidhay iyo waxaan
sameeyey ee sababay xadhigan la igula kacay, waxaanse leeyahay wuxuu
ahaa fal xun oo aan aad uga xumahay, wuxu ahaa ficil aan aad u
cambaaraynayo oo fulaynimo ah”. Ayuu yidhi Md Cabdilaahi Digaale Cali.
Mr Digaale waxa uu ku eedeeyey falkan lagu la kacay inuu ka dambeeyo
oo uu ku soo diray ciidankan iyo taliyahoodan xidhay Xildhibaan
Dhakool oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ee laga
soo doorto Gobolka Sool oo sheegay inuu deegaanadda gobolka ee
diiwaan-gelintu ka socoto ku wareegayey ilaa markii ay bilaamatay
diiwaan-gelintu, isagoo bulshada marin habaabinaya una sheegay in
aanay is-diiwaan-galin oo ay uga fiican tahay inay masuuliyiintoodu ku
yimaadaan habkii Is-xambaarka, waxaanu uu yidhi “Waxa xadhigan ka
dambeeyey Xildhibaan Dhakool oo ka xun inay dadka reer Sool
is-diiwaan-galiyaan si xaqooda u helaan, wuxuu maalmahan-ba ku
wareegayey deegaanada diiwaan-gelinta ee Sool isagoo bulshadda ka
dhaadhicinaya in aanay is-diiwaan-gelin, laakiin waa ficil aan ka
soconayn bulshaduna way diiday, annagu-na (WADDANI) waanu
cambaaraynaynaa ficilkan gaaban ee Dhakool, intaas ayaa sababtay
xadhigan”. Wuxuu intaas sii raaciyey oo uu yidhi “Waxa la I soo daayey
abaaro 5:00 galabnimo, waxaana isoo daayey Abaan-duulaha Guutadii
ciidankii uu watay Gacmo Dheere, isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay
xadhigayga. Sidoo kale Maayarka, ku xigeenka iyo xoghayaha degmada
Kala-baydh oo aan iyagu ogayn xadhigaygan, ayaa sidoo kale ii sheegay
inay aad uga xun yihiin dulmiga laga galay”.
“Waxaan ugu baaqayaa Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland inay baadho
xadhigan ficilkan sharci daradda ah ee la igula kacay, dhammaan cid
kasta oo ku lug lahna la horkeeno caddaaladda oo laga qaado talaabo
sharciya waan mid aan uga fadhiyo aniga iyo xisbigaygu-ba” ayuu yidhi
Mr Digaale.
Guddoomiyihii Hore Ee Xisbiga Mucaaradka WADDANI Ee Gobolka Sool Md
Cabdilaahi Digaale Cali, wuxuu kale oo uu tilmaamay inay si fiican uga
socoto guud ahaan-ba Gobolka Sool diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha
Doorashooyinka Somaliland dadku-na si nabad-gelyo ah oo waddaniyadi ku
dheehan tahay isku Diiwaan-galinayaan, isagoo carabka ku dhuftay inay
aad u fahmeen dadweynaha ku dhaqan gobolka Sool inay xuquuqdoodii
mudada badnayd kaga maqnayd Somaliland ay ku helayaan ka qaybgalida
nidaamka la xidhiidha Doorashooyinka xorta ah ee ay si xor ah codkooda
ugu keenayaan cidii ay ku aaminayaan masiirkooda mustaqbal, waxaanu
yidhi “Guud ahaan dadweynaha reer Sool aad ayey isku
diiwaan-galinayaan, way fahmeen inay xaqoodii ka maqnaa ay ku helayaan
diiwaan-gelintan, ilaa hadda si nabad-gelyo ah ayey diiwaan-gelintu
uga socotaa gobolka oo dhan, iyagoo waddaniyadna muujiyey, waxaan
odhan karaa way ka xoroobeen reer Sool masuuliyiintii ku iman jiray
habka Is-xam-baarkaa”.

Wariye

Khadar Cali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.