Hogaamiye Ku Xigeenka 2aad Ee Garabka Toosinta Iyo Caddaalada Xisbiga Waddani Oo Burburka Waddani Ku Eedeeyey Siyaasiyiintii Xirsi

Hargeysa –(warsoor) – Guddoomiye ku xigeenka 2aad Xisbiga Mucaaridka Waddani ka tirsan Garabka la baxay Toosinta iyo Caddaalada Xisbigaasi Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdule, ayaa markii u horaysay si faahfaahsan uga hadlay dacwad Cabasho ah oo ka dhan ah Murashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo hogaamiyayaasha kale ee Xisbiga Waddani inay u gudbinayaan guddida diwaangelinta ururadda Siyaasadda iyo Axsaabta qaranka ka dib marka ay dhameystiraan wada tashiga ay looyaradooda la leeyihiin.

guddoomiye-ku-xigeenka-2aad-xisbiga-mucaaridka-waddani-xildhibaan-faarax-maxamuud-cabdule

Guddoomiye ku xigeenka 2aad Xisbiga Mucaaridka Waddani  Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdule, ayaa isaga oo Warbaahinta Shalay Hargeysa kula hadlaayey, waxa uu sido kale ku eedeeyey Siyaasiyiintii Isbahaysiga Kulmiye la baxay ee uu hormuudka ka u ahaa Xirsi Xaaji Cali Xasan hadana Waddani ka tirsani inay qayb weyn ka noqdeen dhibaatadda Xisbigaasi shirkiisii golaha dhexe ka dhex dhacay maadama oo garabkoodu Caddaalad daro baahsan ka tirsanaayo sidii wax u dhaceen iyo qaabkii shirka Murashaxiintu ku tartamaayeen loo maamulay, waxaanu Faarax ku dooday in aanay Siyaasiyiinta uu Cirro iyaga ka door biday ee hore Xukuumadda Kulmiye iskaga soo casilay aanay Waddani waxba ku biirin doonin.

Guddoomiye ku xigeenka garabka Toosinta iyo Caddaalada Xisbiga Waddani Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdule (Cumar Dheere) oo ugu horeyn nooca dacwadda ay isku dubaridayaan ee Waddani ka dhanka ah iyo cida ay u gudbinayaan ka hadlay wuxu yidhi “Waxa weeye dacwadayadda hada ayaa loo gudbinayaa guddida diwaangelinta ururadda Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta qaranka ee Somaliland, waxaana weeye Looyaradayadda iyo sida wax layskugu gudbiyaa qorshe ayey leedahay oo marka aanu la tashano Looyaraddayadda dhanka sharciga ayaan u gudbinaynaa Guddida Axsaabta qaranka, Maxkamadda sare iyadu waa marka dambe hadii aanu ku qanci weyno wixii ay guddida diwaangelinta ururadda Siyaasaddu aanu ku qanci weyno waxa ay soo saarto oo ama iyaga ayaa ka qaadan kara ama anaga racfaan oo waa ambiil taasi, laakiin marka hore dacwadayada waxaanu u gudbinaynaa in aanu geyno guddida ururadda ururadda Siyaasadda iyo Axsaabta qaranka”

Xildhibaan faarax Dheere oo dhanka kale khilaafka Culus ee xisbiga Waddani soo kala dhexgalay iyo tabashadda ka dhalatay shirkii golaha dhexe ee dhawaan la qabtay ku eedeeyey Siyaasiyiintii Isbahaysiga kulmiye la baxay ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ku soo biirtay waxa uu yidhi “Qayb ayey ka yihiin (Isbahaysigii kulmiye ka baxay ee xisbiga Waddani ku biiray) oo waliba qaybta ugu weyn ayey Khilaafka jira ka yihiin, sababto ah guddoomiye Cirro waxaabu u arkay inay Siyaasiyiintii Kulmiye ka soo baxay inay ragani wax taraayo , laakiin  waxa weeye tii ay madaxda ka ahaayeen ee hogaaminaayeen bay wax tarilahaayeen hadii ay cid wax tarayaan (Siyaasiyiintii Isbahaysiga Kulmiye ee Xirsi Xaaji Cali Xasan hogaaminaayey ee Xukuumadda iska casilay, laakiin Cirro-na waxba ma tarikaraan”

Ugu dambeyntii guddoomiye xigeen Faarax Maxamuud  Cabdulle wuxu si weyn u soo dhaweeyey oo u mahadceliyey Siyaasiyiinta iyo Xubnihii shirkii golaha dhexe ee Waddani laga hor istaagay ee la safan lana aragtidda ah Garabka la baxay Toosinta iyo Caddaalada Xisbiga Waddani gaar ahaan Xildhibaan Siciid Axmed Rooble iyo Maayar ku xigeenka Magaaladda Boorame oo si weyn u cambaareyey todobaadkan qaabkii Guddoomiye Cirro iyo garabkiisu u maamuleen Shirkii murashaxiinta madaxweynaha ee xisbiga lagu doortay ee muranka badani ka dhashay, waxaanu si weyn carabka ugu adkeeyey Xildhibaan Faarax inay halgan adag u geli doonaan sidii Xisbiga Waddani dumquraadiyadda loogu soo dabaalilahaa ama taageerayaasha garabkooda ay meel dumquraadiyadi taalo ugu hogaaminlahaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.