Berbera – (warsoor) – Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa waxaa uu kormeer ku soo maaray qaabka ay qeybinta kaadhadhka cod bixiyayaashu uga socoto deeganada Bariga magaalada Berbera oo labadii habeen ee ugu danbeeyey ay roobabkii Gugu si fiican u masheeyeen oo ay u haleen.
Deeganadan oo kala ah Biyo Guure, Xagal, Laas-Ciide, Xidhxidh, Raari Buul iyo deeganada Hoos yimid ayaa waxaa aya dhamaan deeganaadani hoos yimaadaan magaalada Berbera ee gobalka Saaxil waxaana si habsami leh uga socda qeybinta kaadhadhka cod bixiyayaasha.
Hogaamiye Xirsi oo deeganadan mid mid u gaadhey waxaa uu shacbiga ku nool ku booriyey in ay dhamaantood qaatan kaadhka cod bixinta kuwoodii hore isku diwaan galiyey , isla markaana waxaa uu u cadeeyey in xisbi ahaan la qaban doonan waxii karaankooda ah sidii dadka looga caawin lahaa tagitaanka goobihii ay iska diwaangaliyeen oo ay baabuurta shidaal ugu shubi doonan.
Sidoo kale Hogaamiye Xirsi ayaa waxaa uu shacbiga deeganadaas ku war galiyey in ujeedka safarkoodu aanu maanta aheyn olale balse uu yahay wacyi glin , balse maalinta doorashada la gaadho na ay ka filayaan in codkooda ay dhamaantood sin doonana xisbiga Waddani.
Dhinacooda dadka ku nool deeganadan uu kormeerka ku soo maray hogaamiye Xirsi waxaa ay si diiran oo ay ka muuqato tageerada ay u ahayaan xisbiga Waddani ku soo dhaweyeen Hogaamiye Xirsi isla markaana waxaa ay u balan qaadeen in ay kaadhadhka sida ugu fiican u qaadan doonan , maalinta la gaadho wakhtiga doorashadana ay xisbiga Waddani u codeyn doonan.
Halkan ka daawo:
This post is also available in:
Somali