Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha qaranka ee Somaliland oo hay’adda IOM kala wareegtay agab lagaga hortagayo xannuunka Covid-19

HARGEYSA – (WARSOOR) – Gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif, ayaa hay’adda IOM, kala wareegay agab loogu talo galay ka hortagga xannuunka Corona Virus.

Axmed Maxamed Xinif gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka ayaa deeqdaas si rasmi ah ugu wareejiyay masuuliyiinta ciidamada asluubta iyo booliska Somliland, waxaanu xusay in agabkaas loogu talo galay in kor loogu qaado fayo dhawrka guud ee jeelaha, xarumaha ciidamada iyo maxaabiistaba.

Maxmed Cabdixakiin oo ah ku simaha madaxa hay’adda I.O.M ee Somaliland, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in agabkaasi ka kooban yahay laba iyo sodon xabbo oo ah agabka faraxalka, waxaanu intaas raaciyey in agabkaasi ku yimi wada shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo hay’adda IOM.

Ugu dabayn waxa goobtaas ka hadlay taliyaha ciidanka asluubta sareeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Somaliland sareeye Guuto Daahir Cali Wacays iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliska JSL, ayaa si rasmi ah deeqdaas ula wareegay waxaanay u mahad cceliyeen masuuliyiinta hay’adda qaxoontiga iyo barkacayaasha qaranka Somaliland, waxayna xuseen in agabkaas loo adeegsan doono sida ugu haboon.