Madaxwayne ku xigeenka Deegaanka Soomaalida oo loo Dhaariyay afhayeenka Aqalka sare ee Itoobiya

Addis Ababa – (WARSOOR) – Madaxwayne ku xigeenka Deegaanka Soomaalida Aadan Faarax Ibraahim , ayaa loo dhaariyay, afhayeenka aqalka sare ee Itoobiya.

Golaha Faderashinka ayaa Aadan Faarax u Doortay Afhayeenka Golahaasi

Golaha oo maanta shir uga socday xarunta dalka ee Addis-ababa ayaa udoortay mudane Aadan Faarax inuu noqdo afhayeenka golaha federeeshinka kadib markii ay todobaadkan si iskeed ah isku casishay af hayeenkii hore ee golaha Keriya Ibraahim.

Waxaana ku xigeenka golaha loo magacaabay marwo Itsaganat, maadaama mudane Maxamed Rashiid uu deegaanka Soomaalida ka soo jeedo,islamarkaana loo baahday in fursada looga faa’iideeyo deegaanada kale.

Golaha ayaa sidoo kale go’aamiyay in dib loo dhigo tirakoobka dadka iyo guryaha, maadaama lagu jiro xili safmarka covid 19 uu saameyn ku yeeshay dalka.